Labadii Wariye Ee Saldhiga Dhexe Ee Berbera Ku Xidhnaa Oo Sife Sharciga Baalmarsan Xabsiga Weyn Ee Berbera Loogu Gudbiyay Iyo Gudi Madaxweyne Siilanyo Hore U Baabiyay Oo Xadhiga Wariyayaasha Saxeexay
February 9, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Labadii wariye ee maalintii shalay sifaha sharcidarada ah loogu xidhay Saldhiga dhexe ee Berbera iyada oo la raali galinayo Abshir Xasan Xaashi oo ah shaqaale sigaara ugu shaqeeya Marwada Madaxweynaha somaliland Aamina Sheeklh Maxamed Jirde ayaa maanta sife sharciga dalka uyaala baalmarsan xabsiga weyn ee Berbera loogu taxaabay.
ugudbinta Xabsiga weyn ee Berbera loo gudbiyay Labadan wariye oo kala ahaa Wariye Axmed Siciid Maxamed Iyo Wariye Mubaarik Cismaan Siciid(Nirig) ayaa loo cuskaday warqad lagu sheegay inay soo saxeexeen gudi nabad galyo oo sharcidaro ah islamarkaana uu hore ubaabiyay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilanyo markii uu hogaanka Dalka qabtay sanadii 2010kii.