Daawo Muuqalka”War Kama Dambays Ah Oo Laga Soo Saarey Wadahadaladii U Socday Garabka Toosinta Xisbiga WADDANI Iyo Xisbiga KULMIYE
February 10, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday)-Garabkii toosinta iyo cadaaladda ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani iyo xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa waxay warbaahinta maanta si rasmi ah ugu sheegeen in ay soo gabo gabeeyeen wadahadaladii u socday labada dhinac.
Xasan Gaafaadhi afhayeenka Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa waxa uu sheegay in ay heshiis kama dambays ah isla gaadheen isla markaana ay ku balameen in todobaadka soo socda magaalada Hargeysa loogu qaban doono Xaflada soo dhawaynta Garabka toosinta xisbiga Waddani halkaasi lagu kala saxeexan doono qodobo dhowr ah oo ay isla gaadheen.