“Doorashadii Mudane Farmaajo Waxay Ka Maydhnayd Qabyaalad, Hunguri Iyo Danaysi Gaar Ah, Waxaana Dal Iyo Dibadba…” WQ: Cabdirashiid Xasan Mataan,
February 10, 2017 - Written by Berbera Today
WQ: Cabdirashiid Xasan Mataan, Xoghayaha Warfaafinta Ee WADDANI
1991 -2000
Somaliland waxa ka hirgalay dib-u-heshiin, gooni isu taag, aayo ka tashi, dhisme haykal dawladeed intaasiba waxay ahayd kor-usocod iyo higsi wanaagsan oo mustaqbal leh oo qaran hiigsanaysa. Waxa Sabab u ah alleh ka sokow ammaanteedana leh hoggaankii waqtiqaa madaxtooyo, baarlamaan iyo guurtiba.
Halka ay Somalia la kacaa kufaysay dagaalo sokeeye iyo amni darro hadheeyey.
2001-2010
Somaliland waxa u qabsoomay dastuurk SL, hirgalinta dimuqraadiyadda, dhimaha hay’adaha dawliga ah, xisbiyo iyo doorashooyin xor ah oo nabada oo lagu soo doortay golayaal deegaan, baarlamaan iyo madaxwaynayaal isu beddelay doorasho shacab si nabada. Sharaf kii somaliland wuxu gaadhay halkii igu sarreeysey indhaha caalamka. Waxa sabab u ah alleh ka sokow ammaanteedana leh hoggaankii waqtiqaa oo abuuuray qaranimo kor usii socota.