“Ummad Yahay Waydinkii Berigii Daahir Rayaale Sida Shinnida Ugu Xoomayaye, Maxaa Siya Oo Aydun Tan Sidaa Ugu Soo Bixi Weydeen, Rogmanay Oo Waxba Kama Nooline….”Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble”Daawo Muuqal
February 10, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble kana mida xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa gabi ahaanba bulshaweynta reer Somaliland ugu baaaqay mudaharaad deg dega isaga oo mudo kooban u qabtay waxanu yidhi “Waxan idiin sheegaya dadyow meel xunbaad taagan tihiine, hadii maanta iska dhicisaanw waxaana in uunbaynu naruuro leenahay, hadiii kale waa ay inoo dhamaaneysaa, waxaan idiinku baaqaya maalinta 12-ka amase 13-ka ee golaha la horkeeno ansixinta saldhiga milatari, hor kaalaya golayaasha, sidii aanu sameyn jiray sameeya, shacbiyoow kaalaya, waa inoo dhakhtarka halkeeni, waa inoo mudaharaad, bartaa istaaga feeto dhaha, waar maalin uun hadla, Isaaqow waar maxaad u hadli weydeen shalayto Daahir Riyaale waydinkii sida shinida ugu xoomayeee maxaad Siilaanyo maalin ugu soo bixi weydeen rogmaney oo waxba Kama nooline cunsuriyiin ayaad tihiine”