Wejiga 2aad Ee Wada-hadallada Dawladda Somaliland Iyo Khaatumo Oo Djibouti Lagu Soo Gebogabeeyey+ Guddoomiyaha UCID Oo Ka Hadlay Kulan Uu Madaxweyne Geelle La Yeeshay
February 10, 2017 - Written by Berbera Today
Djibouti(Berberatoday.com)-Kulankii labaad ee Waddahadalada Somaliland iyo Khaatumo ayaa Maanta Jabuuti kusoo Gabogaboobay,isaga oo shirkani daba socoday Shirkii 17 December ee Sanadkii aynu kasoo gudubnay ka dhacay Xarunta Dalka Itobiya ee Addis-Ababa,kaasi oo ay ka soo baxeen Qodobbo 11-ka kooban oo ay labada Dhinac kala Saxiixdeen.
Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo ku sugan Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti ayaa sida ay baahisay shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews oo khadka telefoonka ugu warramay isla markaana kaga war bixiyey natiijada shirka jabuuti ku dhex maraya Somaliland Iyo Khaatumo ayaa waxaa uu si kooban u sheegay in labada dhinac ay saacadaha soo socda si wada jir ah ula hadli doonaan warbaahinta.