Daawo Muuqalka”Madax Dhaqameedka Reer Borama Oo Cod Dheer Ku Sheegay In Ay Ka Soo Hor Jeedan Saldhiga Military Ee Dawlada Imaaradka , Fariina U Diray Baarlamaanka
February 11, 2017 - Written by Berbera Today
Borama(Berberatoday.com)-Madax dhaqameedka beelaha gobalka Awdal ayaa waxaa ay cod dheer ku sheegeen in ay si aad ah uga soo hor jeedan in magaalada Berbera saldhig Military laga siiyo dawlada imaaradka Carabta .
Waxaa ay sheegen madax dhaqameedkani in saldhigaasi dhibaatooyin weyn Somaliland u keeni karo isla markaana waxaa ay xildhibaanada laba gole ugu baaqay in ay ka turjumaan rabitaanka umada oo aanay ansixin heshiiskaas
Sidoo kale waxaa ay xukuumada Somaliland uga digeen in ay iska dhego mariyaan rabitaanka bulshadooda oo ay ka digeen in cawaaqib ka dhalan karo