Kulanka Beri Ee Madaxweyne Siilaanyo Iyo Labada Gole Iyo Shacabka Oo Si Weyn Isha Ugu Haya
February 11, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Siilaanyo ayaa wuxuu Axadda beri kulan la yeelanayaa labada gole baarlamaan ee guurtida iyo wakiilada, waxaana laga yaabaa inuu noqdo kulankii u dambeeyay ee uu wada jir ula yeesho labada gole, maadaama dabayaaqadda sannadkan ay doorasho aanu ka qayb galaynin dalka ka qabsoomayso.
Kulankan oo ay ujeedadiisu tahay inuu Madaxweynuhu labada gole u jeediyo khudbadiisii distooriga ahayd, ayaa waxa hadheeyay mawduuca saldhiga milatari ee dawladda Imaaraadka Carabtu doonayso in laga siiyo Berbera, oo la filayo in madaxweyne Siilaanyo beri labada gole hordhigo.