Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr.Sacad Cali Shire Oo La Filaayo Inuu Iska Casilo Xilka Wasiirnimo, Kaddib Markii Laga Xan Qarsaday, Kana Soo Horjeestay Saldhigga Ciidan Ee Imaaraadka Carabtu Berbera Ka Doonayo
February 11, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)–Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Dr. Sacad Cali shire ayaa la sheegay inuu caawa go”aanku gaadhay inuu iska casilo xilka wasiirnimo ee Arrimaha dibeda.Iscasilaada laga filaayo inuu ku dhawaaqo wasiir Sacad Cali Shire ayaa ka dambaysay kaddib markii laga xan qarsaday. Isla markaana waxa uu Maanta Warbaahinta uu cadeeyey inaanu jirin Wax Heshiis ah oo Xukuumaddu la gashay Dawladda Imaaraadka Carabta taas oo wasiirka Madaxtooyada iyo Wiilka awooda badan kuleh xukumada ee qaba hodan Axmed Siilanyo si aad ah uga cadhoodeen hadalada xaqiiqada ah ee wasiirku warbaahinta usheegay islamarkaana ay qaniineen.