Golaha Baarlamaanka Labada Aqal Ee Somaliland Oo Ansixiyay Heshiis Sharciga Baalmarsan Oo Xukuumada Somaliland Imaaraadka Ku Siisay Saldhig Milatari
February 12, 2017 - Written by Berbera Today
Hargetsa(Berberatoday.com)-Labada gole ( Guurtida iyo Wakiilada) ayaa cod aqlabiyada ku ansixiyay heshiiskii Saldhiga milateri ee xukuumada Somaliland lagashay dawlada imaaraadka carabta iyaga oo aan la horkeenin heshiis rasmiya.
Heshiiskan aan rasmiga ahayn ayay maanta baarlamaanka Somaliland ku ansixiyay fadhi wada jira oo ay yeesheen labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada oo hogaaminayay gudoomiyaha golaha guuritda Saleebaan Maxamud Aadan