berberatoday.com
Nin Xalay Lagu Dilay Suuqa Gobanimo Ee Magaalada Hargeysa Oo afhayeenka Ciidamada Booliska Somaliland Oo Kawar Bixiyay
February 12, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Alle ha u naxariistii waxa Xalay fiidkii Suuqa Gobonimo ee Magaalada Hargeysa lagu dilay Marxuum Magaciisu yahay Cabdiraxmaan Muuse Maxamed (Cabdi-fanax).

Marxuumka, oo Da’diisa lagu sheegay Afartan Sano jir, ayaa waxa qudha toorey kaga jaray Gacan ku-dhiigle ka mid ahaa Koox dhallinyaro aheyd oo weerar ku soo qaadday Maqaaxi ay fadhiyeen Marxuumka dhintay iyo Rag kale oo ku taalla Suuqa Gobanimo qaybtiisa Xisbiga, wallow aan la garanayn sababta rasmiga ah ee ay dhallinyaradani weerarka ugu soo qaadeen maqaaxidan ee keentay dhimashada marxuumkan iyo waliba waxa ka dhexeeyey gacan ku dhiiglaha dilka geystay iyo Marxuumka Geeriyooday.

Laakiin,Ciidanka Booliska ayaa isla markiiba gacan bir ah ku soo qabtay gacan ku dhiiglihii tooreyda nafta kaga jaray Marxuumka iyo waliba Aabaha dhalay Nn la socday gacan ku dhiiglahaasi marka uu dilkan geystay.

Sidaana waxa Wargeyska Himilo u xaqiijiyey Taliyaha Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka, ahna Afhayeenka guud ee Ciidammada Booliiska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis Jaamac.

Afhayeenka Booliisku wuxuu sheegay in Ciidammada Booliiska oo markaasi ku gudo jiray hawl-gal ballaadhan oo ay amniga Caasimada ku sugayaan ayaa inay isla markiiba Gacanta ku soo dhigeen Gacan ku dhiiglaha Dilka geystay, isla-markaana Meydka Marxuumka waxa la dhigay Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, sidaasi awgeedna ay socoto baadhitaan la xidhiidha sababta Gacan ku dhiigluhu u dilay Marxuumka, maaddaama oo aanay illlaa hadda muuqanin wax hore uga dhexeeyay Gacan ku-dhiiglaha iyo Marxuumka.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews