Nin Xalay Lagu Dilay Suuqa Gobanimo Ee Magaalada Hargeysa Oo afhayeenka Ciidamada Booliska Somaliland Oo Kawar Bixiyay
February 12, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Alle ha u naxariistii waxa Xalay fiidkii Suuqa Gobonimo ee Magaalada Hargeysa lagu dilay Marxuum Magaciisu yahay Cabdiraxmaan Muuse Maxamed (Cabdi-fanax).
Marxuumka, oo Da’diisa lagu sheegay Afartan Sano jir, ayaa waxa qudha toorey kaga jaray Gacan ku-dhiigle ka mid ahaa Koox dhallinyaro aheyd oo weerar ku soo qaadday Maqaaxi ay fadhiyeen Marxuumka dhintay iyo Rag kale oo ku taalla Suuqa Gobanimo qaybtiisa Xisbiga, wallow aan la garanayn sababta rasmiga ah ee ay dhallinyaradani weerarka ugu soo qaadeen maqaaxidan ee keentay dhimashada marxuumkan iyo waliba waxa ka dhexeeyey gacan ku dhiiglaha dilka geystay iyo Marxuumka Geeriyooday.