Digniin Caafimaad: Waraaqaha Lagu Duubo Cuntada Fudud Iyo Kuwa Sida Weelka Loogu Ritaa Waxay Keenaan Kansar
February 13, 2017 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)- Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfutay in saddex meelood meel galka lagu duubo cuntooyinka degdeggga ahi ay leeyihiin maaddooyin kiimikaad oo ay ka mid yihiin polyethylene, Fluoro, alkyl oo sababata waraaqahan loogu sameeyaa ay tahay in ay ka ilaaliyaan googo’a, qoyaanka iyo in aanay isku dhegin. Laakiin ay shaybaadhada cilmigu caddaynayaan in ay maaddooyinkani sababi karaan noocyo ka mid ah kansarka, khalkhal dhinaca hormoonnada ah, Kalastaroolka oo kor u kaca, buurni iyo hab-dhiska difaaca oo aad hoos ugu dhaca.