Daraasad Caafimaad: “Lawska Waxa Uu Ka Hortag U Noqon Karaa Cudurrada Kansarka, Macaanka Iyo Wadne Xanuunka” Dr. Majdi Badraan
February 14, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dr. Majdi Badraan oo ka tirsan jimciyadda dhakhaatiirta xasaasiyadda iyo hab-dhiska difaaca jidhka ee dalka Masar ayaa sheegay in isticmaalka lawsku uu jidhka ka ilaalin karo xanuuno badan oo ay ka mid yihiin Kansarka, cudurka xusuusta dila ee Alzheimer, macaanka iyo xanuunnada wadnaha ku dhaca.
Digtoorka oo u warramayey shabakadda wararka ee Al-Carabiya ayaa sheegayin cilmibaadhiso caafimaad oo cusubi ay xaqiijiyeen in lawska ay ku jiraann nafaqooyin aad u waaweyn oo muhiim u ah caafimaadka, kuwaas oo waxtarkooda ay ka mid tahay kor u qaadista hab-dhiska difaaca jidhka, in ay ka hortagaan cudurrada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga, cudurka xusuusta dila ee Alzheimer ka iyuo Kansarka.