|
berberatoday.com
Digniin : Dawlada Imaaraadku Waxay Saldhiga Berbera Keeneysaa 17 Duuliye 11 Waa South African 6 Waa Rhodesian(Zinbaawe) Waxaa Hogaamin Doona Duuliye( J.R. Blythe Wood )Oo U Dhashay Rhodishia(Zinbaawe)Dhamaantooda Waa Calooshooda U Shaqeystayaal.
February 14, 2017 - Written by Berbera Today
Taariikhda Duuliyaha Ka Madaxda Noqon Doona Saldhiga Imaaraadka Ee Magaalada Berbera:- Duuliye Dagaal Mr J.R. Blythe Wood ,wuxuu ka tirsanaan jirey Duuliyayaashii Dagaalka ee wadankii la odhan Koofurta Rhodesia(ORAF Old Rhodesian Air Force(Former Clonial Military Force)ee maanta la yidhaahdo(Zinbaawe) wuxuu qaadhay taliye Raxan Dayuuradeed xiligii wadankaasi mustacmarada ahaa,wuxuu duuliyaa Dayuurada Dagaalka Nooca(Hawker Hunter) Oo Wershadaha Ingiriisku sameeyaan. Duuliyahani Wuxuu madax u ahaa Duuliyayaasha calooshooda u shaqeystaha ahaa ee Sida xun u duqeynayey shacabka reer Somaliland 1988,Duuliyahani wuxuu ku suntan yahay Xasuuqii dhacay. Duuliyahan Ajinebiga ah waxaa soo kireystey Siyaad Barre 1988 wuxuu xiligaasi ka soo duulayey Magaalada Baydhabo oo xaruuntiisu ahayd wuxuuna Duqeyn ba’an ka geystey Somaliland oo markaasi ahayd waqooyiga somaliya waa ninkii dumiyey Hargeisa iyo Burco. Duuliye J.R. Blythe Wood wuxuu u dhashay Wadankii la odhan jirey South Rhodesia ee maanta la yiraahdo Zinbaawe,wuxuu degan yahay Dalka Koonfurta Africa,Magaalada la yiraahdo(Mossel Bay) oo 400 boqol oo Kilomitir u jirta Magaalada Cape Town. La soco qaybta danbe.
Tafatiraha Guud COMMENTS
|
||||
|
|
|||||