Madaxweyne Siilaanyo Iyo Sadexda Kale Afartaa Masuul Oo Isku Hayb Ahi Go’aanka Ay Socodsiiyeen Sidee Bay Shacbiga Somaliland Ugu Muuqaneysaa”Fallo Cabdiraxmaan Nuux Hiiran
February 14, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Inkastoo Waji ku macaash iyo hadhuudhiskii caadada u noqotey Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo qeybaha aragtida gaaban ee Bulshada Somaliland lagu soo fadhiisiyey Warbaahinta hadana waxa shacbiga intiisa badani wali ka gam,I laayahey gilgilkii, garba duubkii iyo giraangirintii lagu waajahey Xildhibaanadii diidanaa ansixintii Saldhiga milatari ee imaaraadka Carabta laga siiyey Berbera oo badhkood ahaayeen ragii ugu da,da weynahaa Golaha Wakiilada.
Marka aynu dib ugu noqono nuxurka faalladani waxa aan meelnaba ku kala hadheynin afar masuul oo Madaxweyne Siilaanyo u horeeyo Saleebaan Maxamuud Aadan,Maxamuud Xaashi Cabdi,iyo Baashe Cawil Xaaji Cumar in aaney, ukala hadhin jujuubkii iyo qasabkii iyo dhaameelkii lagu ansixiyey Saldhiga Millatari ee Dawllada Imaaraadka loogu xalaaleeyay Marsada Berbera taas,oo qeyb ka ah waxyaabaha la isku sii hambaraacinayo baaqigii ka hadhey