Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Walaalkii Oo Laba Hablood Oo Basaasiin Ahi Ku Dileen Irbad-sumaysan
February 15, 2017 - Written by Berbera Today
Maleysia(Berberatoday.com)-Nin ay Walaalo ahaayeen Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa la rumaysan yahay in uu ku dhintay Malaysia.
Ilo wareedyo Ingiriis ah oo ku dhow qoyska Kim Jong Nam ayaa BBC u sheegay in sun loo adeegsaday.
Mid ka mid ah Warbaahinta Kuuriyada koofureed ayaa sheegtay in ninkaas ay laba dumar ah oo isticmaalay irbado sumaysan ku dileen garoonka dayaaradaha ee Kuala Lumpur, kadibna waxa ay ku baxsadeen gaadhi Tagsi ah.