“Madaxweynaha Somaliya Waxaan U Malaynayaa Madaxweynayaashii Hore Inuu Dhaami Oo Uu Caqli Heli, Oo Dawgiisa Garan”Xaaji Cabdi Waraabe
February 16, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay Madaxweynaha cusub ee Somaliya, ee dhawaan la doortay, waxaanu sheegay inuu ka rajaynayo in aanu la mid noqon Madaxweynayaashii hore ee soo maray Somaliya.
Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Saldhiga Milatariga ee Somaliland Imaraadka ka siinayso Berbrera, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Saldhiga Milatari “Imaraadka iyo Carab oo dhan fadhigooda weynu u baahnayn, Imaraadka waanu soo dhaweeynaynaa, ninkii caqli leh uu arkaayey in aanu Barlamaanka nina ka baydhin, dadka reer Somaliland wey mahadsan yihiin calankoodu ha raago”.