Tirada Dawlado Dalbaday In Lagu Wareejiyo Maamulka Hawada Soomaaliya
February 16, 2017 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Maalmihii u dambeeyey waxaa soo xoogeysanayay hadal heynta Qorshe la doonayo in Maamulka Hawada Soomaaliya lagu wareejiyo Dawlado Shisheeye, halka qorshu uu markii hore ahaa in dawladda Soomaaliya lagu wareejiyo, qalabkii howshaa fududeyn lahaana la geeyay magaalada Muqdisho.
Maareeyaha Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya Cabdiwaxid Sheekh Cumar, ayaa ka mid ah Dadka ka cabsi qaba in qorshaasi la saxeexo, iyada oo laga faa’iideysanayo xilliga kala guurka ah ee Soomaaliya ay ku jirto wakhtigan.
“Waxyaabaha walaaca gaarka ah abuuraya, waxaa ka mid ah; in ay jiraan dhawr waddan oo si wanaagsan ula socda Shaqaalaha Soomaalida ee Hawada maamula iyo qalabka ay isticmaaleen inaanay ahayn kuwo si fiican loo habeeyey ama looga shaqeeyey. Markaa, waxaa badatay Dacwooyin ka imanaya Diyaaradaha Soomaaliya kor mara oo ku saabsan is-maqal la’aanta iyo daciifnimada Raadyaha aan isticmaalno oo ah Raadyihii dawladdii Soomaaliya ay isticmaali jirtay ee Muqdisho laga qaaday 1991-kii, markaa waad qiyaasi kartaan Raadyo 25 sano gaadhayso da’diisu inay awooddiisu daciifayso.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiwaaxid oo shalay u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA isaga oo ku sugan Muqdisho.