berberatoday.com
Tv Laga Leeyahay Dalka Lubnaan Oo Kashifay Xadiga Lacageed Ee Lagu Kireeyay Saldhiga Ciidan Ee Berbera Laga Samayn Doono Iyo Dawladaha Daaha Dabadiisa Ku Jira Ee Saldhiga Yeelan Doona Oo La Sheegay W/Q Fahad Osman Ali(Abu Mursal)
February 16, 2017 - Written by Berbera Today

Telefishan ama muuq baahiye laga leyahay Dalka Lubnaan oo lagu magacaabo Mayadeen.net oo ka faalooda arimaha ciidamada iyo Saldhigyadooda ayaa galabta shantii galabnimo siidaayay barnaami uu ugu magacadar Maydaaniya, barnaamijkaas oo ay daadihinayeen khabiiro ku takhasusay arimaha ciidamada iyo Saldhigyadooda ayaa lagu qaadaa dhigaayay Saldhiga ciidan ee la shdeegay in dawlada Isutaga imiratka carabtu ka doonayso Somaliland gaar ahaan nagaaloo xeebeeda Berbera iyo saamaynta uu ku yeelan karo guud ahaan madaqada geweska afrika iyo Somaliland gaar ahaan magaalada Berbera ee La sheegayo in Saldhigaas laga samayn doono Masaafo dhan 70KM oo ka bilaamanta garoonka diyaaradaha Berbera oo raacsan xeeliga bada ee dhinaca galbeedka Berbera.

Sidoo kale Waxa ay khabiirada sharaaxad lafa gurka ah ku samaynaayay Saldhigaasi sheegeen markii ay dabagal balaadhan ku sameeyeen inaanay jirin dawlada carbeed oo Saldhigaas ciidamo keesanaysaa hase yeeshee ay dilaal macal qabad ah ka yihiin sidii saldhigaasi Berbera uga hirgalilaa iyaga oo gadh wadeen u ah dawlado ay kamid yihiin Israail Iyo maraykanka oo xulufo ah sida ay warbixintaas Tvgaas laga siidaayay daaha ka fayday.

Khabiirada sharaxaad ku lafa guraayay amuurtan Saldhiga Ciidan ee Berbera la xidhiidha ayaa ahaa kuwo hore uga tirsanaan jiray Ciidamada dalalka khaliijka iyo wadamada reer galbeedka sida yurub iyo maraykanka. waxaanay dhamaantood sheegen in Saldhigaasi lagu kiraystay lacag dhan Bilyan iyo afar Boqol Oo Milyan oo Dollarka maraykanka ah waa gacanta hore ee Dawlada imiraatka carabtu dhiibtay halkay Masuuliyiinta Somaliland ee Qoyska Madaxtooyaduna qaateen lacag dhan afar Boqol oo Milyan sidoo kale Madaxweynihii hore ee dawlada Xamar Xasan Sheekh Maxamud ayaa isaguna qaatay Konton Milyan oo Doolar waxaanu lacagtaas ku qaatay kaliya saxeex iyo ogolaansho lagu Xidhay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamud Xasshi Cabdi Iyo Wiilka Madaxweyne Siilanyo Sodoga Uyahay ee Baashe Morgan oo ah wakiilka Somaliland ee dalka isutaga imiraatka Carabta oo iyagu ah labada Masuul ee hawshan Saldhiga Ciidan iyo Kireynta Dekeda Berbera ee shirkada DP World ba dabada ka riixaayay danta ugu weyn ee ay ka laaheena ay tahay sidii ay lacag malaayiin dollar ah uga faraqabsan lahaayeen khayraadka dalka iyo ilaha dhaqaale ee dalka iyaga oo eegaya dantooda oo kaliya dalkiina hilfaha ulaabaya.

dawladaha israail iyo Maraykanka sababta ay usoo abaansadeeen Dalka isutaga imiraatka carabta ayaa lagu sheegay in ay tahay Ictiraaf la,aanta aanay Somaliland Ictiraaf buux haysan taas sababteedana aanay dawladahaasi heshiis Saldhiga Ciidan la gali karin dawlada Somaliland taas bedelkeedana ay soo abaansadeen dawlada Isutaga imiraatka Carabta oo dilaal weyn ka dhex qaadatay arinka Saldhiga.

Warbixnta ama Barnaamijka uu Tvga Almaydeen.net siidaayay aya waxa uu ku sheegay in Saldhigaas ciidan ee dalalka Yuhuuda iyo maraykanku Berbera ku yeelanayaan halis dhinac walba leh kuhayn doono guud ahan shacabka reer Berbera gaar ahaan shacabka masaakiinta ah ee reer Berbera iyaga oo khabiirada arinkan sharaxaayay soo qaatay shuruudo ay sheegeen in ay kamid yihiin waxyaabaha lagu heshiiyay inaan Masaafo 40KM ah loo soo jirsan karin Saldhiga Ciidamadaas djhinacyada Bada iyo barigaba hadiiba uu hirgalo cidii masaafadaas kasoo gudubtana laabta rasaas lagala dhici doono cidina aanay siweydiin doonin Masuulna aanay Xukumada Siilanyo ka ahayn sidii uu hore usheegay wasiirka Madaxtooyada Somaliland markuu Hargaysa uga hanjabaayay dadkii fikirkooda ka dhiibtay Saldhigaas Ciidan ee Berbera laga samaynayo.

waxa kaloo shuruudaha lagu heshiiyay ee dawlada isutaga iyo imiraatka Carabta iyo Israail iyo Maraykanku ku heshiiyeen kamida in masaafada Saldhigaas laga samayn doono oo dhan 70KM oo isku weer ah in laga raro reeraha reer guuraaga ah ee miyiga dagan oo aan lagu arki karin iyaga iyo xoolohoodaba hadii lagu arkana la toogan doono cid isweydiinaysaana aanay jirin. waxkasta oo Gudaha Saldhigaas ay Ciidamada dagani la galaana aan laga daba tagi karin macaa aanu Madaxweynaha dalku gali karin.

Waxa kaloo la sheegay in Heshiisku yahay 36 sanadood halka ay Baashe Morgan wakilka Somaliland ee dalka isutaga imiraatka carabta Waa wiilka uu Madaxweyne Siilanyo Sodoga uyahay iyo wasiirka Madaxtooyada somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi sheegen in heshiiskaasi yahay 25v sanadood iyaga oo been ka sheegay heshiiskaas kuna soo qoray waraaqo A4 ah oo afsomali ku qoran golayaasha horgeeyay sife sharcioga baalmarsana ku ansaxsaday,

Xogaha uu Tvga Almaydeeniya.net baahiyay ayaa waxa kamid ahaa khudbadii Madaxweyne Siilanyo kaga hadlaayay Saldhiga Ciidan iyaga oo khabiiradu arinkaas sharaxaayay sheegay in aanu Madaxweynah Somaliland Caafimaad ahaan hagaagsanayn arinkan Saldhigana wax badan aanu kala socon balse dadka ku xeeran ee ay kamid tahay Marawdiisu wataan arinka Saldhiga iyaga oo macaash lacageed oo badan ka raadinaya wa sida uu tvgu baahiyaye.

Sidoo kale warbixnta ayaa waxa lagu Xusay rag la sheegay inay kamid yihiin Qoyska Madxtooyada Somaliland oo uu kamid yahay Wiilka Qaba Hodan Luul Axmed siilanyo Baashe Morgan oo hutelada waaweyn ee wax lagu kala iibsado ee dalka isutaga imiraatka Carabta ufadhiya goor iyon habeen sidii bogcad kamida Bogcadaha qaniga ee Somaliland loo iibin lahaa.

ugu dabayntii waxa ay sheegeen klhabiirada arinka Saldhiga Ciidan ka hadlaayay ama sharaxaayay in Saldhigaasi halis badan oo dhinaca nabad galiyada ah ku yeelan doono dalka somaliland oo iyagu ay ku tilmaamayeen Waqooyiga somaliya oo maamul hoosaad dawlada Federaalka hoostaga samaystay, waxaanay xuseen inay kooxaha alqaacid iyo alshabaab labaduba iman doonaan Somaliland gaar ahaan magaalo xeebeda Berbera iyaga oo ugadhsan doona ciidamada Israaiil iyo mareykanka ee Saldhigaas dagi doona taasina ay abuuri doonto xaalad xasiloo daro oo ka bilaabanta Somaliland iyo Berbera oo saldhigu noqon doon.

Gabagabdii ayaa waxa warbixinta Tvga Almaydeen uu baahiyay lagaga dayriyay Saldhigaas ciidan oo halsitiisa wata iyo hadiiba lays qabsado oio aanay Somaliland awood ulahayn inay heshiiskaas ka baxdo iskana saarto Ciidamadaas xoog iyo khasabna lagu haysan doono, waxa kaliya oo warbixintu cadaysay in Baajinta Saldhigaas ciidan uu awood buuxda uleeyahay Madaxweynaha Cusub ee Dawlada Somaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo oo lagu majeerto nin adag oo khayraadka iyo hantida ma guurtada ah ee Dalka Somaliya ku dhagan iyo isaga oo aad uneceb ciidamada shisheeye ee wixii laysku odhan jiray Somaliya jooga in laga saaro,

Fahad Osman Ali(Abu Mursal)

Free Journalist

Dubai UAE

Fahadi@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews