Warbaahinta Iiraan Oo Baahisay Warbixin Ay Kaga Soo Horjeedaan Heshiiska Somaliland Ku Siisay Saldhiga Millatari Dawlada Isutaga Imiraatka Carabta
February 16, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Telefishanka laga leeyahay dalka Iiraan ee Press TV, ayaa shalay wax ka qoray heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka carabtu (UAE) wada-galeen ee la xidhiidha saldhigga Millatari ee laga sameynayo magaalo xeebeeda Berbera.
Press TV, waxa uu qormadiisa ciwaan uga dhigay “Soomaaliya oo qorshaynaysa dacwad sharci oo ka dhan ah Imaaraadka carabta oo Saldhig millatari ka sameysanaya Somaliland”
Telefishanka Iiraan waxa qoraalkiisa laga dareemayay sida uu uga soo horjeedo saldhigan. haddaba shabakadda Hadhwanaagnews, ayaa akhristeyaasheeda u soo turjuntay warkan, waxaana lagu bilaabay sidan, “Hanti dhawraha guud ee Soomaaliya, Nuur Faarax Jimcaalle, ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay qorshaynayso inay ka gudbiso dacwad dawladda Imaaraadka carabta taas la xidhiidha
in UAE ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah oo ay heshiis saldhig millatari la gashay dawladda Somaliland.
Mr. Faarax waxa uu sheegay in masuuliyiinta Imaaraadka carabtu ay laaluusheen masuuliyiin sarsare oo ka kala tirsan Somaliland iyo dawladii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, iyagoo heshiiskaas u galay danno aan sharci ahayn oo gaar ah dartood.Waxa kaloo hanti dhawraha Soomaaliya uu su’aal geliyay in Somaliland heshiis noocaas ah geli karto caalami ahaan maadaama oo aan la aqoonsaneyn. Waxaanu UAE ku naqdiyay inay ku geftay dhulka iyo wadajirka Soomaaliya, waxaanu ugu baaqay imaaraadka inay ka baxaan heshiiskaas.
Dawladda UAE, waxay ku jirtaa xulafada millatari ee dawladda Sucuudigu hoggaaminayo ee dagaalka ka waday illaa 2015-kii, waxaanay xulafadani ku talo-galeen inay saldhigga Berbera u isticmaalaan hawlgalada ay ka wadaan Yemen. Xulafada Sucuudigu horkacayaa waxay dileen ugu yaraan 11,400 oo qof oo Yemaniyiin ah waxaanay burburiyeen guryo badan oo ku yaalla dalkaas.
Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa u sheegay sharci-dejiyeyaasha ee Jamhuuriyadan is magacowday in heshiiskan saldhigga Millatari uu ka caawinayo Somaliland dhinaca shaqo abuurka.
Somaliland oo Soomaaliya madax-bannaanideedii kala soo noqotay 1991-kii, ayaa sannadkii hore la saxeexatay heshiis ku wajahan ballaadhinta dekadda Berbera oo sida qaalibka ah xoolaha nool looga soo dhoofiyo bariga dhexe. Waxaa Heshiiskaas ku baxaya 442 Milyan oo Doollar.
UAE waxay horeba ugu lahaayeen saldhig Millatari dekadda Assab ee Eritrea, kaas oo xulafada Sucuudigu hoggaaminayaa ay u isticmaali jireen dagaalka Yemen. Saldhigga Bebera waxa uu 90 km oo kaliya u jiraa xeebta Yemen, waxaanu ciidanka UAE ka caawin doonaa inay sii adkeeyaan go’doominta ay horeba ugu sameeyeen Yemen.
Halkan Hoose Ka Akhriso Warbixinta Tvga Press UU Kaga Hdlay arintan Oo English Ku qoran
The president of the self-declared republic of Somaliland, Ahmed Mohamed Silanyo (L) (Photo by Reuters)
Somalia’s internationally-backed government is reportedly planning to file a legal case against the rulers of the United Arab Emirates (UAE) for setting up a military base in the unrecognized breakaway republic of Somaliland.
The Somali government’s Auditor General Nur Jimale Farah announced Mogadishu’s plans to file the complaint against the UAE on charges of violating international law for entering a deal with the Somaliland government to establish the military installation in the port of Berbera.
Farah said Emirati officials had bribed officials in Somaliland to get the deal through. He accused senior officials in Somaliland and the government of Somalia’s former President Hassan Sheikh Mohamud of approving the deal for the sake of “illegitimate private gains.”
He further challenged the right of the internationally unrecognized Somaliland — which considers itself independent from Somalia — to enter an official agreement with the UAE.
“The deal has none of the legal provisions needed and did not go through Somalia’s legitimate public procurement, financial institutions, and the parliament. Therefore, it is corrupted and illegal,” Farah said.
A file photo of former president of the Federal Republic of Somalia Hassan Sheikh Mohamud (by AFP)
He also blasted the UAE for violating Somalia’s national and territorial integrity, demanding that the Persian Gulf state withdraw from the deal.
“UAE has already violated our national sovereignty and airspace because of its plans to come to Somaliland without paying air space tax and without the permission of Somalia’s legitimate government,” Farah said. “We ask UAE to respect the international code of conduct.”
The UAE, which is part of a Saudi Arabian-led military coalition waging war on Yemen since 2015, intends to use the Berbera base for its anti-Yemen operations.
The Saudi-led war on Yemen has so far killed at least 11,400 Yemenis.
Yemenis search under the rubble of damaged houses following a Saudi-led coalition airstrike on the outskirts of the Yemeni capital, Sana’a, February 1, 2017. (Photo by AFP)
Somaliland’s president Ahmed Mohamed Silanyo has reportedly told lawmakers in the self-declared republic that the military deal with the UAE would help create jobs.
Last year, Somaliland, which declared independence from Somalia in 1991, signed a 442-million-dollar deal for a Dubai-based firm to upgrade the port of Berbera, which mainly exports livestock to the Middle East.
The UAE already has a military installation in Eritrea’s Assab port for use in the Saudi-led war on Yemen. The Berbera base, which is only 90 kilometers from the shores of Yemen, will help UAE forces to tighten a blockade that is already in place against Yemen.