Xaalada Caafimaad Ee Xildhibaan Xaaji Nuur Cabdillahi Beegsi(Cawl)Oo La Sheegay Inay Taam Tahay Iyo Wiilkiisa Oo Ka Waramay
February 16, 2017 - Written by Berbera Today
Malaysia(Berberatoday.com)-Xildhibaan Xaaji Nuur Cabdillahi Beegsi(Cawl)oo dhawaan xaalad Caafimaad iyo Daweyn loo geeyay Dalka Malaysiya ayaa waxa xaaladiisa aanu wax ka weydiinay Wiilkiisa Cawil Xaaji Nuur Cabdillahi oo kula sugan dalkaas Malaysiya Waxaanu Cawil sheegay inuu aabihii caafimaadkiisu wanaagsan yahay qaliin iyo daaweyn caafimaad oo loo sameeyayna lagu guulaystay mudo laba ilaa sadex wiig kadibna uu dalka kusoo laaban doono Hadii alle idmo.