Dhageyso”Dawlada Xamar Oo Sheegtay In Lagu Wareejinayo Maamulka Hawada Ee Ka Dhexeeya Somaliland Iyo Somaliya
February 17, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Cali Axmed Jaamac (Jangali), ayaa sheegay in dhowaan adeegga maamulka hawada Soomaliya loo soo wareejin doono gudaha dalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa ku sugan magaalada Montreal ee waddanka Canada, halkaas oo uu kaga qayb galayo kulan laba maalmood soconaya oo ay leeyihiin masuuliyiinta adeegga duulista caalamiga ah oo ka kala socda waddamo gaadhaya ilaa 36.