Gudoomiyaha Musdanbeedka New-Ucid West Midlands,UK Oo Habalyeeyey Murashaxa Xisbiga Wadani Mudane C/raxmaan Max’d C/laahi Ciro
February 17, 2017 - Written by Berbera Today
Salaan sharaf badan baan shacbiga Somaliland gudo iyo dibed ba ku salaamayaa, waxaan isku deyeyaa bal fikir keyga ku aadan dhacdadii foosha xumeyd ee sharciga baal marsaneyd ee ka dhacday aqalka wakiiladda jsl saddex maalmood ka hor
Ka hor inta aanan gudo gelin dulucda qoraalkan waxaan cadaynayaa in aanan kamid ahayn wadani iyo kulmiye toona ucidna waaba tii iska baaba’day oo maanta waan idinkala xishoonayaa in aan xisbi ku sheego idina waa ogtiin taas.
Taas macnaheedu maaha in aan la masuugo hambalyada hadii ruux ama koox ama xisbi guul quruxbadan soo hooyo.Sidaas daraadeed cod dheer waxaan habalyo ugu dirayaa murashaxa xisbiga wadani iyo dhamaan xildhibaanadii xalaasha ahaa ee badheedha-hood shaaca ka cadeeyey.Mar labaad xildhibaanadaasi waxay mutaysteen ammaan aan xadi lahayn.waxay ka dhiidhiyeen oo u damqadeen sharciyadii dalkeena kana hor tageen rag ujeedoon gaar ah leh oo ku takri falaya awooddihii qaranka ,iyagoo ka badheedhey dhaydana ka cadeeyey mowqifkooda ku aadan afduubkii golaha wakiilada.Afgembigan ay isu soo bahaysteen Saleebaan Aadan (saleebaan gaal) iyo xildhibaano xaaraan quutayaal ah oo xisbiga kulmiye ahaa kuna sifoobay damiir laawayaal calooshooda u shaqeysta qarankana khasaare mooyee aan faa’ido u lahayn taariikhdana ka galey baal madow.
Saleebaan Aadan (S. Gaal) waxa ka muuqday xanaaq, xamaasad iyo caadifad aan meesha leekeyn marka loo eego da’diisa iyo mansibka uu ummadda u hayo , wuxuu baal maray dhamaan xadkii asluubta maaamul wanaaga ee Somaliland ku can baxdey cajaladana waxa uu dib u celiyey 25sannadood.Waxaan xasuustay maalin Suldaanka guud ee beelaha Habar-yoonis ku Yidhi “Waar Saleebaan GU mooyee miyaan Garaad kuu kordhin”waxay ahayd mar Saleebaan Aadan sidan oo kale wax isku kharibay………………….
Shaki kuma jiro in afduubkani wax weyn u dhimey wada jirka bulsho weynta Somaliland.Waxa faa’idey xisbiga wadani oo bulsho badan soo jiitay halka uu khasaare baaxad leh soo gaadhey xisbiga kulmiye isagoo markii horeba baaxaa degaayey.
Raga maanta raba in ay masiirka ummadda ku ciyaaraan xabsiyadaa la dhigi jirey marka arrimo masiiriya laga tashanaayo iyadoo laga cabsi qabo fidno in ay abuuraan oo bulshada iska horkeenaan , taasina ayaamo ina soo maray bay ahaayeen oo aan sidaas usii fogeyn…….
La soco…… maqaalka xiga oo aan ku soo qaadan doono xogo culus kuna saabsan saldhiga badda iyo dhulka xadi badan oo la sheegey in Imaaraadka laga iibinaayo