berberatoday.com
“Maxamuud Xaashi Lacag Baa U Muuqata Oo Waxa Uu Ku Ciyaarayaa Inuu Dab Yahay Ma Oga, Berrina Wuu Cararayaa Oo Baasaboor Ajaanib Ah Buu Haystaa……”Muj. Dhegoweyne
February 17, 2017 - Written by Berbera Today

“Raggii waaweynaa ee xildhibaanada ahaa Saleebaan Gaal waxa uu ka dhigtay carruur Galaas ugu jirta oo BAX, SAARA, ERYA, ayuu yidhi, allah fariidsanaa oo raganimo badanaa….”

ibraahim dhagaweyne

Hargeysa(Berberatoday.com)-Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen(Dhego-weyne)oo kamid  ah foolaadka ururkii SNM, ayaa dhaliilo culus dusha u saaray guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo weliba wasiirka madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, waxana uu ku dhaliilay hannaanka ay dedaalka badan u geliyeen meelmarinta saldhigga militeri ee imaaraadka laga siiyey magaalada Berbera.

Ibraahim Dhego-weyne oo hadallo ka jeediyey goob qado-sharaf loogu sameeyey xildhibaannadii kasoo horjeestay fadhigii ay labada gole ku meelmariyeen inay xukuumaddu gudo gasho heshiiska lagu bixinayo saldhigga militeri, ayaa ugu horrayn xusay in taariikhdu kala sheegi doonto cidda xaqa u doodaysa iyo cidda xaqdarrada dhabarka saaraysaba, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “qofka xaqa ku jooga ee mabda’iisu aanu iib ahayni inuu yidhaahdo aniga gacanta ii diiwaangeli waanan diiday waxaas, waana taariikh hirgashay inaga oo aan noolayn ayaa wixii la kala iibsaday iyo dhaameelkii la kala qaatay laga sheekaysan doonaa inaga oo aan noolaynba.”

Waxa uu sharraxay qaabkii uu u dhaqmay guddoomiye Saleebaan markii uu guddoominayey fadhigii ay labada gole ku meelmariyeen heshiiska militeri, waxana uu shaaciyey inaanu hab-dhaqankaasi ahayn mid la qaadan karo maadaama guddoomiyuhu aanu kursiga ku imanin rabitaan shacab, “Raggii waaweynaa ee xildhibaanada ahaa Saleebaan Gaal waxa uu ka dhigtay carruur Galaas ugu jirta oo BAX, SAARA, ERYA, ayuu yidhi, allah fariidsanaa oo raganimo badanaa, waana taariikh lala yaabo, hadda isaga cidi may soo dooran oo ninka idin hor taagnaa ee idin saarayey umaddu may soo dooran, ayaantii dhaweyn ee albaabka laga soo gelinayeyna goob joog baynu ahayn, haddana kibirkii uu ku daraayey waa lala yaabanaa”ayuu yidhi Ibraahim Dhego-weyne.

Mudane Dhego-weyne isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray, “Goorta uu Saleebaan umadda sidan uga adkaaday ee isaga oo shalay inoo yimi oo aan sharci ku fadhiyin iyo waxa meeshiisa ka socda iyo dadka yaryar ee meesha dhaxalka ku yimi ayuu malaha ku af bartaye waa wax lala yaabo.”

Dhinaca kalena waxa uu Ibraahim Dhego-weyne si kulul u eedeeyey wasiirka madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, waxana uu sheegay inaan la qaadan Karin dhawaaqa wasiirka kasoo baxay dhawaan ee sheegaya inay Somaliland qayb ka tahay dagaalka lagula jiro Xuutiyiinta Yemen, waxana uu yidhhi, “Maxamuud Xaashi waxa uu lahaa dagaal baynu gelaynaa, goormaynu dagaalka galnay oo aynu qaybta ka noqonay, aniguna waxan leeyahay adigaa in lagula dagaallamo ay waajib tahay ninkaaga umad waxaas isla soo hor taagay, laakiin lacag baa u muuqata oo waxa uu ku ciyaarayaa inuu dab yahay ma oga, berrina wuu cararayaa oo Baasaboor ajaanib ah buu haystaa oo umaddanuu doonayaa inuu baro kiciyo.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews