Siciid Cilmi Rooble Oo Sheegay Inaanay Maraakiibta Ganacsigu Berbera Iman Doonin Haddii Saldhig Militeri Laga Hirgeliyo
February 17, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo katirsan mudaneyaassha aqalka wakiillada, isla markaana hormood u ahaa xildhibaanadii dhawaan ka dareeray fadhigii labada gole ee lagu meel mariyey nuxurka heshiis ay xukuumaddu doonayso inay dalka Imaaraadka carabta saldhig militeri kaga siiso Berbera, ayaa eedo u jeediyey labada gole, waxana uu sheegay inay gacmihii ay taageen dhaafsadeen lacago.