berberatoday.com
Shaqaalaha Dekeda Berbera Oo Saaka Diiday Inay Qaataan Lacagtii Xaqooda Aheyd Iyo Sababta Keentay Akhriso
February 18, 2017 - Written by Berbera Today

shaqaalaha dekeda b]Berbera(Berberatoday.com)-Shaqaale weynaha Dekeda Berbera oo saaka loo bandhigay ama loogu baaqay inay qaataan lacagtii xaqa ama xuquuqdooda ahayd ayaa guud ahaan Madax iyo shaqaale hoosaadba saaka diiday inay lacagtaas qaataan, iyaga oo ku sababeeyay in lacagtaasi kala dhimantahay oo kala badh lacagtii xaqooda ahayd maqantahay oo Xukumada sare laka hadhay.

Waxaanay shaqaale weynaha Dekeda Berbera dekeda gudeheeda ka saameeyeen isu soo bax ay ku muujinayaa in aanay marnaba qaadanayn lacagtaas kal dhiman ee banka Berberra xukumada somaliland usoo dhigtay sidoo kale waxa ay shaqaalaha dekeda Berbera oo aan mawqifkan ukala hadhinin wacad ku mareen inaanay qaadanayn lacagtaas kala dhiman ee sida ay sheegeen kala badh ama 50% ka maqanyahay,

Maareeyaha Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed Iyo Mayarka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamud Xassan(Cidin)ayaa Madaxda waaxyaha Dekeda Berbera kulan albaabadu uxidhan yihiin Xafiiska Maareyaha kula qaatay iyaga oo isku dayay inay kala xaajoodaan Madaxda waaxayaha Dekeda Sidii ay shaqaalaha ay xukumaan ku qanciyaan lahaaen inay lacgtaas qaataan balse kulankaas waa lagu kala kacay oo madaxdii waaxyaha dekedu waxa ay si qayaxan ugu shegeen sadexda masuul inay  shaqaalahooda kula socdaan go,aanka ah inay lacagtaas diidaaan iskaba daa Qancino waana lagu kala kacay kulankaas oo natiijo la,aan ayuu kusoo dhamaaday.

Maamulka Dekeda Berbera oo kaashanaya Masuuliyiin ka socda Banka dhexe iyo wasaarada maaliyada ayaa damacsanaa inay maanta oo sabti ah bilaabaan bixinta lacagta xaqa ah ee shaqaalaha dekeda hase yeeshee arinkaas waa suuragali waayay.

Ila Hada Mamulka Dekeda berbera iyo Ka Gobolka Saaxil toona wax wara kamay soosaarin arinkan waxaanay umuuqataa mid aan xal loo helayn maadama oo shaqalaha Dekeda Berbera badidoodu maanka ku hayaan in shaqalaha intooda badan shirkada maamulka Dekeda la wareegaysa ee DP World eryi doonto oo aanay ubaahnayn, shaqaalaha Dekeda Berbera ka hawlgala ee xafiisyada ama Pirolka ah ee Mushaharka bilaha ah qaata ayaa tiradooda lagu sheegay(800)oo aanay ku jirin shaqaalaha xamaalka iyo kuuliga ee gacanta ka shaqeeya oo iyaguna kumanaan gaadhaya,

Shaqaalaha Dekeda Berbera oo aad ukacsan ayaa laga yaaba maalmaha soo socda inay Mudaharaado aan kala go lahayn sameeyaan sidsa aanu kasoo xiganay qaar kamida shaqalaha Dekeda Berbera oo noo sheegay inay mudaharaado ay xaqoodii ku doonayaan rabitaankooda ku muujinayaan samayn doonaan.

Halkan Hoosen Ka Daalaco Lacagta Loo Keenay shaqaalaha Dekeda ee Banka Utaala Iyo Faraqa Udhexeeya lacagta ay leeyihiin oo aanu laba Nuqul ka helay 

Lacagta nuqulada waraqaha ka Muuqata ee xuquuqda shaaqalaha dekeda Berbera waa shilin Somaliland dhamaanteed 

 

Xaqa shaqaalaha ee rasmiga ah

xaqa shaqaalaha

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews