berberatoday.com
Abaarta Somaliland Oo Gaadhay In Xooluhu Dadka Cunaan Iyo Dhaawaca Wiil Orgi Cunay Oo Cusbitaal Burco La Dhigay
February 18, 2017 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Cusbitaalka guud ee magaaladda Burco, ayaa la soo gaadhsiiyey Wiil yar oo saddex bilood jir ah oo uu cunay Neef Orgi ah, kaasoo Bahaloobay markii Gaajo iyo Harraad ba’ani la soo dersay Tuulada Madax-laga-xoor oo ka tirsan degmada Yiil ee gobolka Sool.

Dhaawaca Ilmo Orgi Cunay Oo Cusbitaalka GUUD EE BURCO La Dhigay 2017 IYO HOOYADII OO KA HADASHAY

Dhaawaca Ilmo Orgi Cunay Oo Cusbitaalka GUUD EE BURCO La Dhigay 2017 IYO HOOYADII OO KA HADASHAY

Dhacadadan waxa ka hadlay Axmed Cali Baynax oo ka tirsan Guddiga Abaaraha ee gobolka Togdheer iyo Hooyadda dhashay ilmahan uu cunay Neefka Adhiga ahi. “Dibedda ayaan uga baxay inta aan ilmaha Qol jiifiyey, dabadeedna qayladiisii baan soo booday oo waxaan arkay Orgigii oo ilmihii yaraa haysata (Cunaya).” Sidaa waxa tidhi Hooyada dhashay ilmahan saddexda bilood jira.

Sidoo kale, Axmed Cali Baynax oo ka tirsan Guddiga Abaaraha ee gobolka Togdheer oo ka hadlay arrintan, waxa uu yidhi; “Ilmahan yar waxa laga soo qaaday meesha la yidhaahdo Madax-laga-xoor, markii horena waa Dadkii  soo hayaamay ee yimi Coodanle, Coodallaanu ku dhashay oo da’diisu waa saddex bilood, waa Wiil, waxaana cunay Orgi isagoo jiif Guriga. Dabadeedna ilmahan oo Hooyadii dibedda uga baxday ayuu Orgigu ku dhegay ayey Hooyadii qayladiisii maqashay, dabadeedna isagoo gacanta haysta ayey ka reebtay, isagoo lafaha qaarkoodna jajabiyay, cadihiina qaar calaaliyey.”

“Xoolihii halkaas bay marayaan markay Gaajoodeen inay wixii ay arkaanba cunaan. Farriinta aannu diraynaa waxa weeye in Xoolihii Dadkii cunayaan oo Xoolaha wax lala soo gaadho oo loo soo gurmado.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Cali Baynax.

Waa markii ugu horreysay ee Neef Xoolo ah, gaar ahaan Adhi ah oo Qof Nool cunay lagu arko Somaliland, waxaana sababtay in Xooluhu heerkaas gaadhaan Gaajada iyo Harraadka ka dhashay Abaarta baahday ee Somaliland ka jirta, sida uu sheegay Axmed Cali Baynax.

Warkaas oo dhammaystiran iyo Xubnaha ka hadlay sida wax u dhaceenba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews