Daawo Muuqalka”Hooyo Qaxoonti Ku Joogta Somaliland Oo Maxkamadi U Xukuntey Ilmo Yar Oo Laba Nin Ay Ku Haysteen
February 18, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hooyo danyar ah isla markaana qaxoonti ku joogta Somaliland
oo ka soo jeeda dalka Ethopia ayaa waxaa ay maanta ay maxkamada gobalka Sool u xukuntey oo ay cadeysay in ay iyadu dhashey ilmo yar oo ay ku haysteen laba nin oo reer Somaliland ah
Xukunka kiiskan oo in muddo ah socdey isla markaana ka soo bilbaabmay magaalada Laascanood ayaa waxaa uu maanta ka dhacay hoolka maxkamada sare ee Somaliland waxaana hooyadaas loogu xukumay ka dib markii ay isku mid noqdeen dhiiga ilmaha yar iyo dhiigeedu oo lagu xaqijiyey dhigiisaha hide sidaha ee loo yaqaano DNA