Madaxweyne Siilanyo Noqday Madaxweynihii Ugu Safar Bixid Badnaa Madaxweynayaashii Somaliland Soo Maray Iyo Safaradiisa Oo Aan haba yaraate Wax Faa,iido Ah Dalka Ukeenin”Akhriso Inta Jeer Ee Safar Gaara Uu Ku Baxay
February 19, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu shalay dalka Ingiriiska ku tagay socdaalkiisii u dambeeyay, safarro uu dalkaas ku tegey intii uu xilka hayey oo isaga u gaar ah.
Wuxuu socdaalkiisan shalay ka mid noqonayaa safaro uu madaxweynuhu dalalka dibadda ugu baxo oo lagu sheego inay yihiin kuwo gaar ah, kuwaas oo aan lagu aqoonin madaxweynayaashii ka horeeyay ee Marxuum Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin.
Tan iyo markii Madaxweyne Siilaanyo uu talada dalka la wareegay sannadkii 2010, wuxuu Madaxweynuhu u baxay shan safar oo gaar ah, kuwaas oo uu badankooda ku tagay dalka Ingiriiska, halka uu mid ka mid ah safaradaasna ku tagay dalka Turkiga.