Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Hada Soo Saartey War Cusub Oo Ku Saabsan Doorashooyinka Dalka , Amarna Fartey Golaha Guurtida
February 19, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamada sare ee Somaliland ayaa waxaa ay maanta soo saartey warqad ay kaga hadley arimaha doorashooyinka dalka
Warqadan oo hada soo gaadhay shabakada Berberatoday.com waxaa ay maxkamada sare iyada oo ka jawaabeysa codsi dib u eegis qaraar oo 14 bishan ka soo gaadhay madaxweyne Siilanyo ay sheegtay in ay maxkamadu tirtirtay gabi ahaanba go,aan hore uga soo baxay maxkamada oo sheegaayey in doorashada madaxtooyada iyo golaha wakiiladu ay dhacdo 28.03.2017.
Maxkamada sare ayaa waxaa ay sidoo kale ay golaha guurtida ay fartay in ay waajibkooda Distooriga ah ay ka gutaan muddo kordhinta doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka iyada oo laga duulaayo soo jeedinta madaxweynaha Somaliland