Qarax Dad Badan Ay Ku Dhinteen Oo Mudisho Ka Dhacay
February 19, 2017 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax khasaare geystay oo duhurnimadii maanta ka dhacay Isgoyska Kaawo-godey ee Degmada Wadajir, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan NISA.
Qaraxan oo loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Maqaaxi laga cunteeyo oo ku taalla Isgosyka Kaawo-godey ee Degmada Wadajir.
Inta la xaqiijiyay ku dhowaad 40 Qof ayaa ku dhimatay, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraaskiisha ammaanka Dowladda Federaalka.