Wefti ka Socda Xukuumadda Somaliland Oo Maanta DUBAI U Tagay Saxeexa Heshiiska Saldhiga Milatari Ee Berbera.
February 19, 2017 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Maanta ayay u Duulaan dalka Imaaraatka Carabta Wefti ka kooban dhawr wasiir oo kala ah wasiirka Madaxtooyadda, wasiirka Duulista iyo Wasiirka Maaliyadda, kuwaas oo la filayo inay ku biiraan wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland Sacad Cali Shire oo halkaas sii jooga.

Weftigan ka socda Xukuumadda Somaliland ayey ujeedada socdaalkoodu tahay sidii ay u soo saxeexi lahaayeen Heshiis dhex mara doona labada Dal ee Imaaraadka iyo Somaliland, kaasoo lagaga kiraynayo Dekedda Berbera, iyo saxeexa saldhiga Milatari ee Berbera oo dhawaan Xukuumadu xoog ku jiidhsiiyay Golayaasha, kaas oo mad madaw badani ku dahaadhanyahay.