Daawo Muuqalka”Gudoomiyaha Cusub Ee Dhalinyarada Gobolka Saaxil Oo Soo Qaban Qaabiyay Xaflad Lagu Xusaayay Maalinta Dhalinyarada Somaliland Iyo Masuuliyiinta Gobolka Iyo Degmada Berbera Oo Ka Qeyb Galay
February 20, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Maamulka Gobolka Saaxil Iyo Degmada Berbera ayaa Maanta Ka Qayb Galey Munaasibad Loo Sameeyey Xuska Maalinta Dhalinyarada Somaliland Oo Dhawaan Madaxweynuhu u Asteeyey 20 Febuary Ee Sanad Kasta in la Xuso
Munaasibabadan Oo Ka Qabsoontey Hotel Alxayaat Ayaa waxa kasoo Qaybgaley labeenta Dhalinyarada Magaalada Berbera, Mayirka Degmada Berbera C.shakuur Ciddin Badhasaabka Gobolka Saaxil Jaamac Yusuf Axmed Xoghayaha Fulinta Dawlada hoose Ee Degmada Berbera Cabdikariim aden Cade iyo Gudoomiyihii Hore Ee Xisbiga Ucid Ee Gobolka Saaxil Rooda Axmed Yasiin

Ugu horeyna Waxa Munasibadaasi ka Hadley Abdi qani Bidhi Oo isagu ku Hadlaayey Afka Dhalinyarada Gobolka Saaxil Kaasi Oo Hambalyo u Direy Dhamaan Dhalinyarada Somaliland gaar ahaana Kuwa Gobolka Saaxil Oo ugu hambalyeeyey Maalintani Isagoo u Soo Jeediyey Inay Dhakinyatadu xoogooda ka faaidaysataan islamarkaasina ay gacmaha isqabsadaan una midoobaan Sidii Ay horumarka uga Qayb qaadan lahayeen