berberatoday.com
Faalo:-Madaxweyne Siilaanyo Iyo Sadexda Kale Afartaa Masuul Oo Isku Hayb Ahi Go’aanka Ay Socodsiiyeen Sidee Bay Shacbiga Somaliland Ugu Muuqaneysaa
February 20, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Inkastoo Waji ku macaash iyo hadhuudhiskii caadada u noqotey Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo qeybaha aragtida gaaban ee Bulshada Somaliland lagu soo fadhiisiyey Warbaahinta hadana waxa shacbiga intiisa badani wali ka gam,I laayahey gilgilkii, garba duubkii iyo giraangirintii lagu waajahey Xildhibaanadii diidanaa ansixintii Saldhiga milatari ee imaaraadka Carabta laga siiyey Berbera oo badhkood ahaayeen ragii ugu da,da weynahaa Golaha Wakiilada.

Marka aynu dib ugu noqono nuxurka faalladani waxa aan meelnaba ku kala hadheynin afar masuul oo Madaxweyne Siilaanyo u horeeyo Saleebaan Maxamuud Aadan,Maxamuud Xaashi Cabdi,iyo Baashe Cawil Xaaji Cumar in aaney, ukala hadhin jujuubkii iyo qasabkii iyo dhaameelkii lagu ansixiyey Saldhiga Millatari ee Dawllada Imaaraadka loogu xalaaleeyay Marsada Berbera taas,oo qeyb ka ah waxyaabaha la isku sii hambaraacinayo baaqigii ka hadhey

dhulka istiraatijiga u ah danta guud ee Somaliand kadib markii laga faraxashey meelo badan oo ay kamid yihiin Dekkedii,Haamihii,kumanaan guryihii Dawllada ah iyo dhulkii danta Guud iyo qaar kale oo lama taabtaan ahaa intaba.

Sikasta oo ay tahey,waxey tani Taariikhda u galeysaa khatinka Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo aan lagu haynin mudadii ay jirtey Wasiir Haybtiisa ah oo xil laga qaadey toban jeer oo xil ka qaadis iyo maamuus ka xayuubin lagu sameeyay Siyaasiyiin miisaan badan oo Golaha Xukuumada lagu darey marar kala duwan kuwaas oo u hanweynaa doorkiisa Siyaasadeed iyo hogaamintiisa haseyeeshee aakhirkii ku hungoobay.

 

Isku soo wada duub oo Madaxweyne Siilaanyo,Saleebaan Maxamuud(Gudoomiyaha-Guurtida),Maxamuud Xaashi(Wasiirka-Madaxtooyada), Baashe Cawil Xaaji Cumar(Safiirka-imaaraadka) waxa laga dhursigi doonaa halka uu Mustaqbalka ku dambeeyo mashruuca aan ilaa hada la garaneynin cida dhab ahaan heshiiskan u sexeeday in uu ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud maadaama Imraadku wali Somaliland u aqoonsan yahey in uu Soomaaliya qeyb kamid ah yahey halka uu ku dambeyn doono iyo aragtida ay shacbigu ka qaateen Wakhti xaadirkan.

 

Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews