Taliska Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Xadhiga Agaasimihii Telefeeshinka Star-Tv Maxamed Baashe Xaaji Xasan Iyo Cabdimaalik Muuse Coldoon Oo Ku Xidhan Magaalada Hargeysa
February 21, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Taliska ciidamada booliska Somaliland ayaa maanta ka hadlay xadhiga laba suxufi oo ku xidhan magaalada Hargeysa kuwaas oo kala ah agaasimihii Telefeeshinka Star-Tv iyo waliba Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ku xidhan magaalada Hargeysa kuwaas oo ciidamada booliska Somaliland siyaabo kala duwan usoo qabteen.
Afhayeenka ciidanka booliska Somaliland sidoo kalena ah taliyaha ciidamada nabadgaliyada Wadooyinka Gaashanle Sare Faysal Xiis oo isagu ka hadlayey kiiska lagu haysto labadan Suxufi ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyey sababaha loosoo xidhay.