Telefishanka Qaranka China Oo War Ku Tabiyay Khariidad Uu Ka Kala Saaray Somaliland Iyo Somaliya
February 21, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Telefishanka qaranka ee China ayaa raaligelin ka bixiyay khariidad uu si gaar ah ugu muujiyay qaranimada Somaliland, isagoo ka waramayay qarax ka dhacay Axadii magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.
Telefishanka ayaa wuxuu khariidadaas ku muujiyay in Somaliland iyo Somaliya kala yihiin laba wadan oo kala duwan. Laakiin wax yar ka dib telefishankaas China ee CGTN (China Global Television Network), qaybtiisa dibadda la hadasha ayaa raaligelin ka bixisay.