Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland Oo Kumanaan Neef Ku Muddey Daawooyin Dhacay Iyo Xoolihii Dhintay
February 21, 2017 - Written by Berbera Today
Garoowe(Berberatoday.com)-Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa waajahaysa Fadeexad iyo Cambaareyn, ka dib markii ay qaadday olole ay ku tallaashay Xoolaha, iyadoo Daawooyinka ay Xoolaha ku Tallaashay isla-markaana u qaybisay Xoolo-dhaqatadu dhaafeen wakhtigii loogu talo-galay in la isticmaalo.
Wasaaradda ayaa Ololahan oo bilaabmay bishii January ee Sannadkan ku tallaashay kumanaan neef oo ku dhaqnaa Afar Gobol oo ka mid ah Puntland, nasiib-darro’se daawooyinka ama talaalka la qaybiyey ama xoolaha lagu muday ayaa ahaa kuwo dhacay sanad ka hor.