Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Jawaabtii Ugu Adkeyd Siiyey Faysal Cali Waraabe”Burus Qayl Biyaha Ceel Ma Sido, Mana Baqool Daayo… Ninkaa Hangoolka Sita Ee Waraabe U Taaga Ah Ee Xisbigii Qaran NGO Yar Ka Dhigtay Oo Doorasha Iyo Guul Dan Ka Lahayn.. Xildhibaanaddii Golaha Deegaanku Halkii Ay Kuugu Yimaadeen Bay Ku Dhigeen, Runtii In Aad Jeel Ku Jirto Bay Ahayd Faysalow Maaha In Adigoo Cidi Ku Dooran Oo Boqol Jeer Dhacay”.
February 23, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Musharraxii la Inqilaabay ee Xisbiga Ucid mar kale sabab u ahaa inuu helo shahadada xisbinimada Md. Jamaal Cali Xuseen ayaa si kulul uga dareen celiyey dacwad khayrul sharci oo musharraxii xisbigaas ragaadiyey ee Eng. Faysal Cali waraabe sheegayo inuu ka gudbinaayo Xildhibaanadii usoo saaray xisbigaa uu hor jooggaha ka yahay.
Md. Jamaal Cali Xuseen waxa uu ma dhacdo aan siba u suuroobeyn ku tilmaamay falkan uu Faysal Cali waraabe ka dhawaajiyey, isagoo ugu baaqay in aanu ku riyoon dacwad dambe sharci darro wax loogu xukumo. Sidoo kale, waxa uu Md. Jamaal cali Xuseen xasuusiyey Faysal Cali waraabe inuu isku cumaamaday Musharraxnimo uu dhacay, iyadoo uu intaa ku darray in xildhibaanadii golaha wakiiladda ee xisbigaas doorashadii hore ugu soo baxay aqalka golaha wakiiladda uu hadda ka madhan yahay, isla markaana ay mudanaayashaasi kamid yihiin labada xisbi qaran ee Mustaqbalka Siyaasadeed leh ee Waddani iyo Kulmiye.