Madaxweynaha Cusub Ee Dawlada Xamar Farmaajo Oo Katirsan Xisbiga Aduunka Loogu Necebyahay Iyo Sir La Helay
February 23, 2017 - Written by Berbera Today
New York(Berberatoday.com)-Mid ka mid ah shaqaalihiisa Xisbiga Jamhuuriga aya qabsaday dalka ku yaala geeska Africa ee Somalia ayaa ciwaan looga dhigay sheeko lagu qoray wargeyska Buffolonews ee Mareykanka.
Maxamed C/laahi Farmaajo oo ahaa xubin firficoon oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ayaa loo doortay madaxweynaha Somaliya 8dii bishan.
Sida qof ka tirsan xisbiga uu u sheegay wargeyska waxaa uu Farmaajo qeyb ka qaatay ololihii xibsiga dhexdiisa ee uu kusoo baxay Donald Trump dhowaan.
Waxaa ay saaxibadii xisbigiisa ku amaaneen doorkii uu kulahaa shaqada xisbiga iyagoo ku amaanay inuu ahaa nin shaqo badan oo dadka ad u saacida.