berberatoday.com
Maxaad Ka Ogtahay Xadiga Lacagtii Ay Qaateen Xildhibaanada Golayaasha Wakiilada Iyo Guurtidii Kadib Ansixitii Saldhiga Ciidan Ee Berbera Dawlada Imiraatka Laga Siiyay
February 23, 2017 - Written by Berbera Today
Nimankii kitaabka maray ee guurtida ahaa iyo inta Kulmiye taageerta ee golaha wakiilada ka tirsan waxa hubaal ah oo iyagii sheegeen in $2000 loo qadimay balan na loogu qaaday $8000 haday gacanta u taagaan in saldhiga la siiyo emaaraadka. Subxaana al- ladii laa ilaaha ilaa huwa Al-xayu Al qayuum. Xasbuna Allahu waa nicma Al- wakiil.

Morgan wuxuu warbaahinta ka sheegay in aan hal dollar la dhaafsan saldhiga….Beenalaha qaranka weeye wiil kaasi.

144 codeeyey markaad ku dhufato $10,000 = 1,440,000 ( 0ne million, four hundred forty thousand )

Waa hal million iyo afar boqol iyo afartan kun oo dollar ee miyaanay ahayn qaran dumis nimo.

intaa waxa dheer boqlka kun ee dollar ee Sulieman gaal goonida loo siiyey si uu aqalka sadexda dabaq ah ee ka qabyoobay uugu dhamays tiro. Wasiirka madaxtooyadu wuxuu sheegay in mashaariicda ay emaaradku saldhiga siisteen ay ka mid tahay Berbera Corridor oo ah wadada isku xidha Berbera iyo Wajaale. Isna waa beenaale kale sabab tuna tahay mashruucaa hore ayay u sheegeen inay DP World samaynayso. Hadaba caalamkii oo dhan baa ka soo hor jeeda e siday madaxtooyadu yeeli. SInaba saldhig Berbera laga bixiyaa suurta gal noqon maayo. U fiirso dowladan bal lixdii biloodba mar isla oogsanaysa ee wax xaraashaysa iyo shicibkan hurdada dheer ku jira. intii ka talisay saldhiga iyo intii ku taageertay iyo intii lacag ku qaadatay waxaan shaki ku jirin in ilaahay if iyo aakhiraba kashifayo. Silaanyo & Amina Weris iyagaa uugu macalin ah dowlada iyo ummada musuqa oo laaluushka bara, halkay kala dagaalami lahaayeen. Waxa Somaliland xunkeedi gacanta u galay qoom aan siday yihiin la garanayn ood moodo inay gaajo ku raagtay oo  Somaliland u cadow ah  hase yeeshee dhawaan caanuhu way ka quban oo dadka iyo dalkuba way ka raysan iyaguna meelahaas bay eedaadi ileyn ummada kuma dhex noolaan karaan e.

Abdi Mustafe

Abmustafe123@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews