Tunis wiil is gubay baa xoreeyey Somaliland na xadhiga Maxamed Baashe X. Xassan by Abdi Mustafe
February 23, 2017 - Written by Berbera Today
Xadhiga agaasimaha guud ee star TV Maxamed Baashe Xaji Xassan wuxuu noqon doonaa sidii inankii Tunis xoreeyey ee bileysku ku tacadiyey ee patroolka iyo kabriidka isku qabtay dabeedna mar qudha xukuumadii dalkaa ka talinaysay lagu kacay ee dibada loo tuuray. Maxamed wuxuu ka mid ahaa dhalin yaradii talowday ee SNM ku biirtay welibana wuxuu ka soo hadli jiray idaacadii jabhada Radio halgan. Mantana waxa lagu heystaa sideed saldhiga Berbera emaaraadka laga siinayo uuga hadashaa. Waxay u eegtay xoreyntii Somaliland laga xoreyn lahaa qoyskan qalaylka ku qeybsaday wadankii ee sharcigii ku tuntay ee ummadii laaluushka baray ee ciday doonaan xidhaya iyagoon dariiqa saxa ah soo marin. Xukuumadu sas bay ka qaaday cidii soo hadal qaada saladhiga sabab tuna tahay waxay ogyiin in ay sharciga baal mareen dalkiina iibinayaan. Durba waakaa xaqi dilaacay ee Silaanyo cusbitaal London ah la dhigay oo in uu dalka ku soo noqon iyo in kale aan la garanayn. Maxamoud Xaashi iyo Morgan iyo Zamzam na waa kuwaa doontay xaqul qalmkii saldhiga ee ay dowlada emaaradku ku tidhi warkaanu haynaa waxa weeye in shicibku ka gadoodsanyay saldhigan oo aydaan soo xalaaleyn. Isku soo xoori oo xadhiga xaq darada ah ee lagula kacay Agaasimaha guud ee star TV Maxamed Baashe Xaji Xassan wuxuu noqon doonaa mid kacdoon iyo mudaharaado keena haday xabsiga ku hayaan iyo haday soo daayaan ba. Alla hortii halkii faqash Somaliland gaadh siisay meel ka hooseysa ayay dowlada Silaanyo marineysaa oo maalmaha ay sii jiri doonaan wey kooban yiin. Markaad eegto wixii golaha Sulieman gaal gudoominayay ka dhacay waxay ahayd wax qabyaalad iyo jujuub iyo qaran dumis isugu jira. Waa wadan Morgan kolba shar u soo xambaarayo oo waa la gaadhay xiligii laga gilgilan lahaa ee heeryada la iska rogi lahaa ee dulmiga iyo darxumada la diidi lahaa. Waa hubaal in kacdoon dhalinyarada ka bilaab maa dhoqso u iman doono oo uu hogaaminayao Maxamed Baashe. Weraya yaashii xabsiga ayay ku dhamaadeen taasina waxay keeni karto shicibkuna wuu garanayaa madaxtooyadana loo sheegi maayo.
Abmustafe123@gmail.com