Puntland Oo Somaliland U Soo Gacan-gelisay Saddex Nin Oo Ku Eedeysan Inay Meherad Ku Taalla Boorama Kala Baxsadeen Kumanaan Dollarka Maraykanka Ah Iyo Iskaashiga Amaanka Putland Iyo Somaliland Oo Meel Fiican Maraya
February 24, 2017 - Written by Berbera Today
Tuka-raq(Berberatoday.com)-Ciidammada ammaanka ee Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa Shalay Ciidammada Ammaanka ee Gobolka Sool ee Somaliland ku soo wareejiyey Saddex Nin oo Maxaabiis ah.
Saddexdan Nin ee Maxaabiista ah oo laga soo qabtay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, ayaa waxa Tuulada Tuka-raq ee Gobolka Sool keenay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Nugaal ee Puntland,Cabdirashiid Aw Maxamuud, waxaanu ku wareejiyey Taliska Qaybta Booliiska ee Gobolka Sool ee Somaliland, sidaana waxa baahiyey Mareegaha Internet-ka laga akhristo ee fadhigoodu yahay Gobolka Sool.