berberatoday.com
Arimaha aynu dhexdeena isku hayno maaha inaynu kula galgalano dawlado kale.Arintii Saldhigu kol hadii ay dhamaatay oo markii hore waxba laga qaban kari waayey maanta ma haboona in safaaradaha Imaaraatka laga hor mudaaharaado”W/Q Yuusuf Cabdoi Gaboobe
February 26, 2017 - Written by Berbera Today

Arimaha aynu dhexdeena isku hayno maaha inaynu kula galgalano dawlado kale.Arintii Saldhigu kol hadii ay dhamaatay oo markii hore waxba laga qaban kari waayey maanta ma haboona in safaaradaha Imaaraatka laga hor mudaaharaado.Arimo tii Saldhiga ka cuslaa oo ay ka mid ahaayeen tacdiyo fool xun xun oo ay xukuumaddu u geysatay shicbiga iyo qarannimada Somaliland ayaa dalka gudahiisa hore uga dhacay oo aanay Jaaliyadda reer Somaliland ee deggan UK marna ka mudaaharaadin . Saldhiga mabda’iyan lama diidanayn laakiin waxa la saluugsana sida daciifnimada leh ee arinka loo maamulay.Waxay aheyd fursadii ugu muhiimsaneyd(geo-political opprtunity) ee Somaliland soo waajahda intay jirtay laakiin sida muuqata maynu dhaafsan wixii ay fursadaasi soo korodhay ay inoo goyn laheyd oo aqoonsi ka mid yahay.Taas ayaa la isku hayey oo la dhaliilayey iyo dabcan qaabkii fawaaxishka lahaa ee Saleebaan Gaal u maamulay fadhigii wadajirka ahaa ee labada aqal Baarlamaan ee ku saabsanaa arinta Saldhiga balse aanay doodiba ka dhicin.
Maanta dawladda Imaaraatku waxay qayb libaax ka qaadanaysa dagaalka ka socda Yaman gaar ahaan koonfurta dalkaasi.Kol hadii ay Somaliland Saldhigii u ogolaatay oo ay nimanku duruufo adagna ku jiraan in safaaradahooda lagu mudaaharaadaa waxba ina tari mayso ee waxay inaga xumayn doontaa uun abaalkaynu gashanay iyadoo waliba ay daruuri tahay inaynu maanku ku hayno sida uu cadawgeenii Somalia ahaa uga faaiidaysan doono arintaasi hadii lagu kaco.

 

 

 

W/Q Yuusuf Cabdoi Gaboobe

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews