Wasiirka Kalluumaysiga Oo Doonaya In Wasaaradaha Ganacsiga Iyo Arrimaha Dibaddu Itoobiya U Iib-geeyaan Kalluunka Somaliland
February 26, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed), ayaa Wasaaradaha Ganacsiga Iyo Arrimaha dibadda u soo jeediyey inay ka shaqeeyaan sidii Dawladda Itoobiya ee Somaliland keenta Qaadku ay u iibsan lahayd Kalluunka Somaliland.
Wasiir Buureed oo ka soo laabtay Safar uu ku tagay Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya, ayaa Shir-jaraa’id oo uu Shalay ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa wuxuu Shacabka ugu baaqay inay hoos uga eegaan oo ay ka faa’ideystaan Khayraadka baddooda ku jira.