|
berberatoday.com
Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Madaxweyne Siilaanyo Lagu Samaynayo Qalliin Dhinaca Madaxa Ah, Madaxweynaha Oo Qoyskiisu Isku Khilaafsanyahiin Inuu Is Casilo Iyo Inuu Xilka Sii Hayo Iyo Guuxa Hargeysa Ka Taagan
February 28, 2017 - Written by Berbera Today
Xogaha HALBEEG Hellayso Ayaa Tibaaxaya In Beesha Madaxweynahu Ka Soo Jeeda Ay Durtaba Xulatay Laba Xildhibaan Oo Ay U Calaamadiyeen In Ay Saylici Ku Xigeen U Noqdaan

London(Berberatoday.comWaxaa magaalada London ku sugan usbuucii labaad madaxweynaha Somaliland iyo dhammaanba xubnaha qoyskiisa, iyadoo madaxweyne Siilaanyo markii uu ka soo baqoolay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa gebi ahaanba laga qariyay muuqiisa inay warbaahintu aragto, iska dhaaf inuu warbaahinta la hadlo eh.
Afhayeenka aqalka madaxtooyada Somaliland Xuseen Dayr oo warfidiyeenadda kula hadlaayay aqalka madaxtooyada saacado ka hor intaanu madaxweynahu ka soo dhoofin Hargeysa usbuucii hore, ayaa ku sababeeyey safarka madaxweynaha mid khaas ah “safarka madaxweynahu waa mid khaas ah, waxaana ku wehelin doona marwadiisa Aamina Maxamuud Jirde (Aamina Weris) iyo xoghayahiisa gaarka ah” ayuu u sheegay warbaahinta Xuseen Dayr oo 18 bishani February xarunta madaxtooyada warfideeyanadda kula hadlaayay.
Afhayeen Dayr wuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo wakhtiga uu qaadanayo safarka madaxweynaha Somaliland, balse xogo markiiba soo baxay oo shabakaddani HALBEEG ay ka heshay ilo wadareedyo kala duwan oo ku sugan London iyo Hargeysa ayaa noo xaqiijiyey in xaaladda caafimaad ee madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay usbuucyadii ugu danbaysay cakirayd, wararka ay shabakadda HALBEEG heshay ayaa xaqiijinaya in madaxweynahu uu ka cabanaayay hadalkiisa oo daciif noqday, aragtida indhahiisa oo daciiftay iyo dawakhaad joogto ah.
Sida qof naga codsaday inaanan magaciisa xusini uu todobaadkani u sheegay shabakadda HALBEEGNEWS, qoyska madaxweynaha Somaliland ayaa dhammaantood hadda ku wada sugan London, waxaana xogtu intaasi ku dartay in madaxweynahu la xidhiidhay dhakhtarkiisa gaarka ah ee magaalada London, kaasi oo madaxweynaha kula taliyay in qalliin fudud lagaga sameeyo madaxa qaybta midigta.
Xogta ayaa HALBEEG u xaqiijisay in sawiro laga qaaday neerfaha iyo xididada madaxa, ee madaxweynaha, ay muujisay in xinjir dhiig ahi fadhido xididka xidhiidhiya maskaxda iyo madaxa, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Wararka HALBEEG hellayso ayaa tibaaxaya in dhakhtarkiisa gaarka ahi kula taliyay madaxweynahu inuu aqbalo qalliin qaadan doona inta u dhexaysa 45 daqiiqo ilaa saacad iyo badh, si looga nadiifiyo xididka ay xinjirtani qabsatay, balse qoyskiisa ayaa ku kala aragti duwanaaday qalliinka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wakhtigani.
Xogtani ayaa noo xaqiijisay in marwada madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde (Weris) ay diidantahay in lagu sameeyo qalliinka madaxweynaha, xaga wiilasha uu madaxweynahu dhallay ay doonayaan inuu madaxweynahu qalliinka gallo.
Laba Wiil Oo Uu Dhallay Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Codsaday Aabahood Inaanu Xilka Madaxtinimo Sii Hayn Balse Uu Caafimaadkiisa Eego
Sida xogtani HALBEEG u waramaysay habeen hore ay tibaaxayso, labada wiil ee madaxweynaha Somaliland dhallay, ayaa madaxweynaha iyo marwada madaxweynaha labadaba waxay ku cadaadinayaan inuu madaxweyne Siilaanyo is casilo, maadama aanu aabahood caafimaad ahaan sii wadi karin muddada xilka loo kordhinayo, halka marwada madaxweynaha Somaliland iyo labada gabdhood ee ay dhashay ay diidanyahiin isla markaana ay soo jeedinayaan in madaxweyne Siilaanyo uu sii wadi karo muddada xilka loo kordhiyay.
Xogo Soo Baxaya In Shir Doceedyo Hoose Oo Beesha Madaxweynaha Somaliland Ka Soo Jeedo Ay Diyaariyeen Xubinta Loo Xulayo Madaxweyne Ku Xigeenka Saylici Haddiiba Ay Dhacdo Inuu Madaxweynahu Is Casilo
Warar aanu hellayno ayaa xaqiijinaya in kulano ka dhacay guriga guddoomiyaha golaha guurtida Saleeban Maxamuud Aadan (Gaal), iyo Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ka tirsan golaha wakiiladda, ay beesha madaxweynaha Somaliland xubnaha ugu jira labada aqal kulan ay yeesheen, ay isla garteen inay xullaan labada xubnood oo la sii kala xuli doono oo midkood loo dooran doono inuu madaxweyne ku xigeen u noqday Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.
Sida xogtani noo xaqiijisay labada xubnood oo loo xulay inay madaxweyne ku xigeen u noqdaan Saylici ayaa kala ah Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) iyo xildhibaan Farxaan Maxamed Cali, waxaa dhinaca kalana durtaba ka dhex bilaabmay kambuulka aqalka madaxtooyada olole loogu jiro musharaxnimada madaxweyne ku xigeenka, iyadoo wararkuna tilmaamayaan in durtaba xubno iska dhisaya madaxweyne ku xigeen Saylici ay xidhiidho la samaynayaan.
Xigasho Halbeegnews
COMMENTS
|