berberatoday.com
Muqdisho: Haweenay Ka Mid Ah Xaasaska Saraakiisha Ajaanibka Ah Ee Al-shabaab, Oo Iyadoo Dawladdu Gacanta Ku Hayso Qarax Ugu Hanjabtay Madaxweyne FARMAAJO
February 28, 2017 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatodday.com)-Haweenay Soomaaliyad ah oo Magaceedu yahay

Layla Cumar Baaruud, Xaasna u ah Sarkaal u dhashay Dalka Itoobiya oo ka tirsan Kooxda Al-shabaab, ayaa waxa Gacanta ku dhigay Ciidammada Sirdoonka Soomaaliya.

Warka 1-aadHaweenaydan oo Warbaahinta Dawladda Soomaaliya sheegeen inay Al-shabaab u qaabilsanayn Tashkiilinta dhallinyarada si ay ugu biiraan kooxda Al-shabaab, ayaa waxa la qabtay iyadoo doonaysa inay Gurigeeda oo ku yaalla Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho ka raacdo Gaadhi ay doonaysay inuu Geeyo Magaalada jilib, halkaasi oo ay sheegtay inuu ugu iman lahaa Ninkeeda u dhashay Dalka Itoobiya.

Layla oo ah Hooyo leh Laba Carruur ah, ayaa markii la qabtay ka dib waxa Wareysi ka qaaday Telefiishanka Dawladda Soomaaliya ee (SNTV), waxayna Wareysigaa ku soo bandhigtay waxyaabaha ay ka aaminsan tahay Masuuliyiinta Dawladda Soomaaliya, sida Madaxweynaha, Raysal-wasaaraha iyo Xildhibaannada Baarlamaanka.

Layla oo ka jawaabaysa su’aal laga waydiiyey waxay ka aaminsan tahay Dawladda Soomaaliya, ayaa tidhi, “Anigu kuma baaqayo in Qof Muslim ah la dilo, Haddaanse ku baaqo in la dilo Dawladda Riddada meeshii lagu arkaba.”

Haweenaydan oo si dhiirin u hadlaysa ayaa Weriyeyaasha ka qaaday Wareysiga ka codsatay inay farriinteeda wada gudbiyaan ee aanay faaf-reebin, “Waxaan ku baaqayaa in la dilo Madaxweynaha, oo la dilo Raysal-wasaaraha, Baarlamaanka hala dilo, Wasiirrada hala dilo.” Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay iyadoo Weriyeyaasha dardaaraysa, “Intaas ayaan ku baaqayaa ee imikaba ha iga goynin (Markaad baahinaysaan) ee iga gudbiyo.”

Haweenaydan oo la waydiiyey halka uu Ninkeedu kaga maqan yahay, ayaa ku jawaabtay, “Ninkaygu waa Muslim Itoobiyaan ah waa Mujaahid Muhaajir ah, laakiin ma ogi meel uu ku sugan yahay hadda.” Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay iyadoo is-diidsiinaysa inay xog-dheeraad ah ka bixiso Ninkeeda, “Raggaasi (Al-shabaab) Xeeladdooda Milletari kama mid aha inay iska sheeg-sheegaan Magacyadooda oo Saddexan oo sax ah iyo Qabiilkooda,  laakiin Ninkaygu waa Itoobiyaan.”

Layla oo la waydiiyey waxa uu Ninkeeda Itoobiyaanka ahi ka soo doonay Soomaaliya, ayaa ku jawaabtay oo tidhi, “Wuu soo Islaamay Ninkaygu, waana Nin Muslim ah oo Muhaajir ah.”

Haweenaydan oo sheegtay inay Muddo 7 Sannadood ah ka mid ahayd Al-shabaab, ayaa iyadoo ka jawaabaysa waxay degmada Jilib ka doonaysay intaan la qabanin, ayaa tidhi, “Waxaan u socday Jilib oo uu iigu iman lahaa Ninkayga oo aanaan ogeyn meesha uu joogo.”

Haweenaydan oo Xijaab weyn ku lebisnayd xilliga la wareysanayey, ayaa iyadoo dhiiranaan badani ka muuqato, waxay eedaymo u jeedisay Madaxda Dawladda Soomaaliya, “Dawladda Riddadu maaha Muuminiin (Dawladda Soomaaliya), waxaan Dawladda ka aaminsanahay Kufaar uu Dhiiggooda iyo Maalkoodu ii bannaan yahay. Maanta oo kale ayay habboon tahay inaan isku qarxiyo, laakiin waanan haysan Qarax.”

Haweenaydan oo la waydiiyey waxa ku kellifaya inay sidaas u fikirto, ayaa ku jawaabtay, “Gaalo nacaybkaa iga batay iyo waxa la shaqeeya ee kitaabka ILAAHAY (Diiddan)..” ayay tidhi, iyadoo ku doodday in Ciidammada soo qabtay ka gar-daran yihiin, maaddaama bay tidhi aan Dagaal la igu soo qabanin, “Maxaa la ii soo qabanayaa haddaan ka soo hor-jeedo caqiiqada Dawladda, ma dagaal baa la igu soo qabtay.” Ayay hadalkeeda raacisay.

https://youtu.be/JySZb879erc?t=3

 

 

Berbertatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews