berberatoday.com
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar Muxuu Ka Yidhi Xilka La Sheegay In Dawlada Xamar Looga Magacaabayo?
March 1, 2017 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa markii u horreysay ka hadlay waxa ka jira War sheegaya inuu ka mid yahay Siyaasiyiinta Somaliland u dhashay u ordaya inay xil ka qabtaan Xukuumadda Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo Maanta la ansixinayaa soo dhisi doono.

MAXAMED CABDILLAAHI CUMAR MUXUU KA YIDHI XILKA LA SHEEGAY IN SOOMAALIYA LOOGA MAGACAABAYO 2017

Warar Bulshadu aad isula dhex-maraysay, isla markaana Warbaahinta kala duwan oo Wargeysyo iyo Shabakadaha isugu jiraa qoreen maalmihii u dambeeyey, ayaa sheegay in Jagada Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Xilka Ku-xigeenka Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ay u ordayaan Xubno ka soo jeeda Somaliland. Inkasta oo Warku sheegay in Xubno badani u ordayaan jagadaas oo inta badan isa-saar noqota, iyo haddii la kala qaada-ba, haddana waxa uu warku tibaaxay in Xubnaha ugu hadal-haynta badan in jagadaas loo magacaabyo ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Prof: Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah Aqoonyahan deggan Maraykanka oo u dhashay Somaliland. Balse, si weyn u taageera Qaddiyadda Midnimada Soomaaliweyn, ahaana Guddoomiyaha Guddigii Anshaxa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee 8-dii bishan ka qabsoontay Muqdisho.

Hase ahaatee, Dr. Maxamed Cabdillahi oo ka tirsan Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, isla markaana La-taliye ka ah Mashruuca xallinta khilaafaadka iyo murannada siyaasiga ah ee Qaaradda Afrika oo Midawga Yurub maalgeliyo, kana wada shaqeeyaan Ururka Midawga Afrika, ayaa isaga oo xilligan ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska, warkaas iyo waxa ka jira waxaa wax ka weydiiyey oo Khadka Isgaadhsiinta kula xidhiidhay Weriye Maxamuud-Walaaleeye oo ah Tifaftiraha Shabakadda Somalilandspan.com.

“Waxaan  joogaa dalka  Ingiriiska oo aan  hawlo  shaqo u joogo  hadda, waxanan  dardar-gelinayaa hawlgallada Xisbiga Kulmiye ee dibedda. Warkaasi  la xidhiidha dawladda Xxamar waa  kuwo aan  waxba  ka jirin oo ah  dacaayad  raqiis ah.  Qolayaha wada waa  la  yaqaanaa,  waxaanan  leeyhay ka xishooda dadka baahinaya Wararkaas deelqaafka ah.” Sidaa ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Warkan, ayey Warbaahinta Soomaalida in badan oo ka tirsan, gaar ahaan Shabakadaha Wararka Internet-ku si weyn u qaada-dhigayeen maalmihii toddobaadkan, balse waa uu deedifeeyey, isla markaana dacaayad ayuu ku tilmaamay Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar in xilkaas loo magacaabayo ama uu xil ka doonayo Xukuumadda Soomaaliyaba.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews