berberatoday.com
Guddida Qaban Qaabadda Banaanbaxa London Oo Luuqad Adag Ugu Jawaabay Faysal Cali Waraabe “Waan Ogahay Faysalow Inaad Sidii Aad u Xidhxidhay UFFO Aad Noo Xidhxidhi Lahayd, Laakiin Waxaa Ilaahay Mahadii Ah In Maanta Dadka Reer Somaliland Ku Barteen Oo Maqashada Lagu Dirayn”.
March 1, 2017 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-“Waxaan weli la yaabanay oo caqligayga iyo garashadaydu qaadan laadahay, dadka weli Faysal Cali Waraabe rumaysta, ee soo xigta, ee u haysta inuu dan Somaliland leedahay ka shaqaynaayo.
Mudane Faysal Cali Xuseen bishii March sannadkii 2015 kii isagoo hadal ka jeedinaya magaalada Amsterdam ee dalka Holland, ayuu si cad u sheegay ujeedada rasmiga ah ee uu siyaasadda Somaliand ugu jiro “anigu guri kamaan dhisan, laakiin wixii hadda ka bilaabma waxaan u shaqaysanaya naftayda”.
Faysal waa dilaal siyaasadeed xukuumaddii Xasan Sheekh Maxamuud ee hadda xilka lagaga adkaaday wuxuu ka qaadan jiray kharash joogto ah, isagoo ka shaqayn jiray hagaradaamadda Somaliland, isla markaana cay iyo aflagaado u gaysan jiray beelaha Soomaalida ah.
 
Bal u fiirso Faysal Cali Waraabe oo siyaasadda Somalia ka hadlaya, wuxuu cay iyo aflagaado u gaysta beesha daarood, ma garanaysa sababta uu cayda iyo aflagaadada ugu gaysto, haddaanad garanayn isweydii oo baadh.
 tan Siilaanyana haddeerto mashaariicda fadhi ku macaashka ah ee xoogii iyo xoolahii ummadani lahayd lagu jaqayo ayuunbu dhinac kaga jira.
Faysal caqli iyo garasho hadday inuun u hadhsantahay laba jeer ayey ummadda reer Somaliland diiday oo uu hellay cod ka yar 90,000 oo qof, markii seddexaadna wuu taaganyahay, ma qofkaasa fayaw, oo garasho iyo kasnimo u hadhsantahay.
Faysal Cali Waraabe waa dilaal, meel alla iyo meeshii shilimaad ka soo gallayo cagaha u dhaqaya, shallay ayeynu ogayn inuu xisbigiisii u baabiyay oxoga kharash ah oo ganacsade reer Djibouti ahi siiyay.
Faysal Cali Waraabe markuu dad xallaal ah oo Somaliland aan habeen xumaanteeda ka shaqayn ku eedaynayo inay Farmaajo u shaqaynayaan, miyuu isagu is iloobay markii habeen iyadoo caruur iyo ciroole loo dhanyahay uu dhinac fadhiistay Xasan Sheekh Maxamuud, ee ay weliba kamaradahu qabanayeen isagoo telefoonka ka qoranaya.
Faysal qoladii wallaweynta u yaqaana waxay isaga u yaqaanan ma is ogyahay, waxay ugu maahmaahaan “Faysala Muufadiisaa  maraq ugu jirtaa”
Faysal maalin cad ayuu wankii badhida weyna ee xisbiga UCID uu sayladda Burco ku xaraashay, maantana waxba kuma aha inuu Somaliland xaraasho, shallay Muuse Biixi ayuu jiqiladda ugu jiray, dorraad Cabdiraxmaan Cirro, maanta Baashe Moorgan iyo Maxamuud Xaashi, sahan-danbana haddaad oxoga u hayso waa adiga lee waaye.
Faysal inuu maanta Hargeysa nabad ku socdo may ahayn, dhalinyaradii UFFO ee maalinta cad Hargeysa lagu xidh xidhay ee qaarkoodna dhegta dhiiga loogu darray, wuxuu ahaa shakhsigii basaasay ee Gaani Hargeysa Club habeen iyo maalin kula kulmi jiray.
Bal Faysal weydiiya Maxamed Baaruud, Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi, Axmed Muxumed Madar, Berberaawi iyo maanta inta UFFO ka nool, wallaahi ayaan ku dhaartaye waxaan markhaati ka ahaa iyagoo Faysal madal uga baxaya, ka yakhyakhsiyoonaya.
Soomaalida waxay ku maahmaahda “Baso waa baso si kastood u subagto” Faysal waa Faysal kay ummadani nacday.
Banaanbaxa ka dhacaya magaalada London, waxaa abaabulaya dhalinyaro reer Somaliland ah oo gobol walba ka soo jeeda oo aan ka mid ahay, oo badidood aan seddexda xisbi ee Somaliland ka jira aan shuqul ku lahayn, oo ay midaysay inaanu ka dhiidhino, isla markaana dawladda Emirateka u gudbino dareenka bulshada reer Somaliland ee loo diiday inay banaanbax Hargeysa iyo magaalooyinka Somaliland xaqooda ku muujiyaan.
Faysal oo ka hadlaya banaanbaxa aanu London ka qaban qaabinayno wuxuu yidhi “waan xidh xidhi lahaa” waan ogahay Faysalow inaad sidii aad u xidh xidhay UFFO aad noo xidh xidhi lahayd, laakiin waxaa ilaahay mahadii ah in maanta dadka reer Somaliland ku barteen.
Ugu danbayn waxaan u sheegaya dadka reer Somaliland gudo iyo dibadba, banaanbaxa waxaa qaban qaabinaya dhalinyaro Somalilandnimada ku dhashay kuna dhimanaya, waxaa keliya ee na mideeyey iskuna kaayo keenay waxaa weeyi boobka lagu hayo hantidii dalkayaga oo shaqsiyaad ku mamay inay xoolaha ummadda dhaxal wareejiyaan.
Cid alla iyo ciddii damiir fayaw ku hadhay, ee jecel Somaliland, oo jecel in xoolaha danyarta iyo masaakiinta ay sodogyo iyo seediyaal lagu naas nuujinow nagala soo qayb galla banaanbaxa
Guddida Banaanbaxa Lagaga Soo Horjeedo Saldhiga Military, oo ka dhacaya magalada London
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews