berberatoday.com
Koox Shufto Ah Oo Madaxtooyada Baashe Morgan Ka Soo Shiidaaliyay Oo Weerar Gaadmo Ah Ku Qaaday Fanaan Maxamed Xuseen Halwed Iyo Sababta Ka Danbaysa
March 1, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Fanaanka Caanka ah ee Maxamed Xuseen Halwed oo kamida fanaaniinta Qurba joogta ah ee reer Somaliland kuna dhaqan dalka Ingiriiska oo hada kusugan Caasimada somaliland ee Hargeysa ayaa weerar gaadmo ah waxa maalintii shalay ku qaaday koox laga soo shiidaaliyay Madaxtoyada kuwaas oo fanaanka ku weeraray isaga oo ka qadaynaya Hutel hana ee Magaalada Hargeysa,

Fanan Maxamed Xuseen halwed ayaa sheegay in raga soo weeraray laga soo abaabulay Madaxtooyada Somaliland islamarkaana ay mid kamida ragaas oo dagaal gaadmo ah ku qaaday ay gacan ku kala calaf qaadeen wax dhibaato culus ah oo isaga soo gaadhayna aanay Jirin.

Fanaan Maxamed Xuseen Halwed ayaa sheegay in raga soo weeraray ee la dagaalamay ku tiraabayeen ninkani Fanaanka ahi waxa uu caayaa Dawlada adeerkayo waa sida uu ku sheegay Fanaanku qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebooka.

Qoraalka uu Fanaan Maxamed Xuseen Halwed kaga hadlaayay dhacdadaas ee uu oo dhigay Bartiisa Facebooka ayaa udhignaa sidan Hoose ku qoran”

“Dhacdadii Maanta Weerarkii Laygu Soo Qaaday

Waxaa Beryahaaba Caado Iyo Dhaqan Unoday Dawlada Taagta Daran Ee Fashilantay Ee Gabalkeedi Dhacay
Inay Soo Adeegsato Rag Calooshooda U Shaqaystaaya

Maanta 2:30 duhurnimo Waxaa Hoteel Hanna Ee Xaafada Jig jiga Yar Ee Magaalada Hargeysa Igusoo Weeraray
Rag Beryahaaba Lagu Muusenaabayey
Oo Ay Jifi Hoose Isku Yihiin Madaxweyne Siilanyo
Gaadhi Yar Oo ay Saraayen Oo Ay Saaraayeen Sadex Nin Oo Uu Ninka Gaadhi Wadey Ahaa Dareewalka Marwda Ayaa isa Soo Hortaagay Hotelka Aan Ka Qadaynayey Ninkii Laysoo Qaybiyey Ayaa Soo Degay siday Ii Sheegeen Asxaabtii Hotelka Hor Taagnayd
Anigoo Halka Lacagta Laga Bixiya Ku sii Jeeda Ayaa Nin Si Cad Oo Gaadmo Ah Feedh igu miisay Waan soo Jeestay Si Wacan Baanu U Kalla Calaf Qaadanay
Markii Ragii meesha joogay Na Kalla Qabteen Ayaa La Waydiiyey Wuxuu Igu Gaaday ama Igula Dagaalamay Wuxuu Yidhi Ninkani Dawlada Adeerkay Buu Caayaa
Nasiib Wanaag Ninkii La soo Diray Ee Igaaday Weliba Isagoo Sanka Iyo Afkaba Dhiig ka Dayo Ayuu Raacay Gadhigii uu Saaraa
Waxaana Ii Markhaatiya Umadii Hoteelka Joogtay

Shacbiga reer Somaliland Waxaan U Sheegayaa Waataa Dawladaynu Dooranay Halkaa Maraysa
Waxaan Ballan Ku Qaadayaa Inaan Xaqiida Jirta Maanta Hortiina Keeni Doono”

Halkan Hoose Ka Akhri Qoraalka Keenay In Fanaanka Lagu Weeraro Hutelka uu Ka qadanaayay ee uu Hore usoo dhigay Bartiisa Facebook kagana Hadlay Magacii Madaxweynaha oo Wiilka uu Madaxweyne Siilanyo sodoga Uyahay ee Baashe Morgan dhulka jiidayo.

 

Image may contain: 1 person

 

 

 

Weerarka Qaawan ee Fanaankan Qaran ay ku qaadeen raga Madaxtooyada laga soo abaabulay ayaa ka danbeeyay maqaal uu dhawaan Fanaanku ku baahiyay Bartiisa facebook taas oo uu kaga hadlaayay xaalada dalku marayo iyo dhibatada iyo magacii Madaxweynaha oo shaqsiyaad ka agdhaw Madaxweynaha iyo qoyskiisu ku shaqaysanayaan sumcadii iyo magaciisiina ku dilayaan.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews