Koox Shufto Ah Oo Madaxtooyada Baashe Morgan Ka Soo Shiidaaliyay Oo Weerar Gaadmo Ah Ku Qaaday Fanaan Maxamed Xuseen Halwed Iyo Sababta Ka Danbaysa
March 1, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Fanaanka Caanka ah ee Maxamed Xuseen Halwed oo kamida fanaaniinta Qurba joogta ah ee reer Somaliland kuna dhaqan dalka Ingiriiska oo hada kusugan Caasimada somaliland ee Hargeysa ayaa weerar gaadmo ah waxa maalintii shalay ku qaaday koox laga soo shiidaaliyay Madaxtoyada kuwaas oo fanaanka ku weeraray isaga oo ka qadaynaya Hutel hana ee Magaalada Hargeysa,
Fanan Maxamed Xuseen halwed ayaa sheegay in raga soo weeraray laga soo abaabulay Madaxtooyada Somaliland islamarkaana ay mid kamida ragaas oo dagaal gaadmo ah ku qaaday ay gacan ku kala calaf qaadeen wax dhibaato culus ah oo isaga soo gaadhayna aanay Jirin.
Maanta 2:30 duhurnimo Waxaa Hoteel Hanna Ee Xaafada Jig jiga Yar Ee Magaalada Hargeysa Igusoo Weeraray
Rag Beryahaaba Lagu Muusenaabayey
Oo Ay Jifi Hoose Isku Yihiin Madaxweyne Siilanyo
Gaadhi Yar Oo ay Saraayen Oo Ay Saaraayeen Sadex Nin Oo Uu Ninka Gaadhi Wadey Ahaa Dareewalka Marwda Ayaa isa Soo Hortaagay Hotelka Aan Ka Qadaynayey Ninkii Laysoo Qaybiyey Ayaa Soo Degay siday Ii Sheegeen Asxaabtii Hotelka Hor Taagnayd
Anigoo Halka Lacagta Laga Bixiya Ku sii Jeeda Ayaa Nin Si Cad Oo Gaadmo Ah Feedh igu miisay Waan soo Jeestay Si Wacan Baanu U Kalla Calaf Qaadanay
Markii Ragii meesha joogay Na Kalla Qabteen Ayaa La Waydiiyey Wuxuu Igu Gaaday ama Igula Dagaalamay Wuxuu Yidhi Ninkani Dawlada Adeerkay Buu Caayaa
Nasiib Wanaag Ninkii La soo Diray Ee Igaaday Weliba Isagoo Sanka Iyo Afkaba Dhiig ka Dayo Ayuu Raacay Gadhigii uu Saaraa
Waxaana Ii Markhaatiya Umadii Hoteelka Joogtay
Shacbiga reer Somaliland Waxaan U Sheegayaa Waataa Dawladaynu Dooranay Halkaa Maraysa
Waxaan Ballan Ku Qaadayaa Inaan Xaqiida Jirta Maanta Hortiina Keeni Doono”